Kooxda Khaatumo Oo Puntland Ku Eedeeyey Inay Xasuuq Ka Geysatay Taleex Iyo Dib-isu-abaabulka Ay Ku Jiraan

“Dhaqanka Islaamka iyo Dhaqanka caalamka midna kuma jirto in Shacab la xasuuqo oo la yidhaahdo Hebeloow soo ka coo xabbad dhafoorka lagaga dhufto…” Axmed Jaamac Yuusuf (Indha-sheel)

Taleex(Aftahannews):- Hoggaamiyaha Malleeshiyada Kooxda la baxday Khaatumo Axmed Jaamac Yuusuf (Indha-sheel), ayaa sheegay inay Ciidammada Maamul-goboleedka Puntland xasuuq fool-xun ka geysteen degmada Taleex oo ay ku soo duuleen, halkaas oo xarun u ahayd Kooxda la baxday Khaatumo oo ay maalin ka hor ka caydhiyeen Ciimmada Puntland.

Indha-sheel oo isaga iyo Kooxda hubaysan ee Khaatumo u dirirka ah laga saaray magaalada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool ee Somaliland oo xarun u ahayd, ayaa Waraysi kooban oo uu xalay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da siiyey, ku sheegay inay Ciidammada Puntland xasuuq u geysteen dadka shicibka ah ee ay ugu yimaaddeen gudaha magaalada Taleex.

“Hadday laba Ciidan is-dilaan mid ayuun bay guushu raacdaa dhibaato malaha. Laakiin, dhaqanka Islaamka iyo dhaqanka caalamka midna kuma jirto in Shacab la xasuuqo oo la yidhaahdo hebeloow soo ka coo xabbad dhafoorka lagaga dhufto. Rag baa la yidhi Hebeloow soo kac oo xabbad dhafoorka lagaga dhuftay…Puntland-na sidaas ayay samaysay….” Sidaa ayuu yidhi Axmed-Indha-sheel.

Hoggaamiyaha Kooxda hubaysan ee Khaatumo, waxa uu sheegay inaanay Khaatumo u dul-qaadan doonin xasuuq uu sheegay inay Ciidammada Maamul-goboleedka Puntland u geysteen Shacabkooda, isla markaana waxa uu xusay inay waqtigan dibedda ama Miyiga Degmada Taleex ku sugan yihiin oo laga saaray Taleex, waqtiganna ay ku jiraan dib-isu-abaabul ay kaga aargoosan doonaan Puntland.  “Qorshahayagu waa in dib la isu abaabulo…” ayuu yidhi Indha-sheel.

Indha-sheel waxa uu sheegay in illaa 12 ruux oo shacab u badan ay Ciidammada Puntland ku dileen gudaha magaalada Taleex, isla markaana ay jiraan dhaawacyo tiro badan oo shacabka ay u geysteen Ciidammada ka qabsday gacan ku hayntii degmadaas xarunta u ahayd Kooxda Khaatumo.

Dhaawacyada ka dhashay dagaalka ay Maamulka Puntland kula wareegeen magaalada Taleex, ayaa intooda badan loo qaaday Cusbitaalka magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo lagu dawaynayo dhaawacyada soo gaadhay. Waxaanay qaar ka tirsan dhaawacyada la soo gaadhsiiyey Laascaanood warbaahinta u sheegeen in Taleex Xasuuq ka dhacay sida ay hadalka u dhigeen oo weerar aanay iska fulayn lagu waxyeelleeyey.

Dhawr jeer oo aannu isku daynay inaannu dhinaca Masuuliyiinta Maamul-goboleedka Puntland ka helno dhinacooda warka dagaalkan iyo eedaymaha Kooxda Khaatumo u jeedisay ku saabsan, ayay Masuuliyiinta aannu la xidhiidhnay ka gaabsadeen inay wax war ah ka bixyaan arrintaas, iyaga oo ku dooday inaanay ka hadlaynin.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.