Somaliland Oo Ka Hadashay Sababaha Keenay Dib-u-dhac Mar Kale Ku Yimi Wadahadalka U Socday Soomaaliya

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland, ayaa daboolka ka qaaday in dawladda Soomaaliya ay ka dalbatay Somaliland iyo Turkiga in mar saddexaad dib loogu dhigo wadahadalladii u socday labada dhinac oo loo ballansanaa Bisha December ee foodda innagu soo haysa.

Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland waxa uu sheegay in Soomaaliya ay soo codsatay in wadahadalladii dib loogu dhigo illaa bisha January ee kal-dambe, sababo la xidhiidha dhibaatooyinka ka taagan dalkaas dartood.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo ka hadlayay arrintaasna waxa uu yidhi; “Turkigu aad iyo aad ayay ugu jirraan oo ay wax noola wadaan Somaliland iyo Soomaaliya, aadna waanu ugu faraxsan nahay wada hadallada ay fududeynayaan iyo kaalinta ay kaga jiraanba, hase yeeshee wadahadaladii dib ayay u dhaceen Bisha December ee inagu soo fool leh ayay markii hore yidhaahdeen waayo dhibaatooyin badan baa ka taagan Xamar. Immikana waxay na weydiisteen inaannu December-na dib uga dhigno oo wada hadaladii la qabto bisha January ee sannadka 2014-ka.”

“Sidaas ayay na soo weydiisteen Soomaaliya annaga (Somaliland ) iyo dawladda Turkigaba, wakhtina wali lama cayimin ee labada toddobaad ee ugu horeeya bisha January ayaannu isla soo qaadnay, waxaanan ka wada shaqaynaynaa sidii haddii ALLE yidhaahdo aanu wakhtigaas isku arki lahayn.” ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo xalay u warramayay Laanta Af-Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da.

Wasiirka oo la weydiiyay sida uu yahay xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Soomaaliya waxa uu yidhi; “Xidhiidhka Somaliland iyo Soomaaliya waa laba wadan oo jaar ah oo cilaaqaad ka dhaxeeyo ayaannu nahay. Waxaannu doonaynaa inaannu wadahadallada iyo walaaltinnimadda wadno oo caalamku noo arko dad deggan. Waxaannu ka shaqaynaynaa annagu (Somaliland) inaannu walaalladayada Xamar iskaashi la samayno, wadahadalladayaduna noo socdaan oo aannu farsamadeeda keenno sidii aannu u kala tagi lahayn.”

Wasiir Biixi waxa kale oo uu ammaanay dawladda Turkiga oo uu tilmaamay inay ka go’an tahay inay Somaliland wax la qabsato, waxaanu sheegay in Weftigii dhawaan yimid Somaliland ay si rasmi ah u shaaciyeen inay Hargeysa ka furan doonaan qunsuliyad isku xidha wax wada qabsiga labada dal.

Wasiirku waxa kale oo uu intaas ku ladhay in Ganacsato Turki ahi ay daraasad ku sameeyeen Somaliland, isla markaana ay ballan-qaadeen inay mashaariic waaweyn oo maalgashi ku sameeyaan Somaliland.

Wadahadallada u socda Somaliland iyo Soomaaliya ayaa muddo laba jeer oo hore dib u dhacay sababo la xidhiidha mashaakilka siyaasadeed iyo wacdiga adag ee Soomaaliya ku sugan tahay darteed, waxaanay noqonaysaa markii saddexaad ee wadahadalladani baaqdaan.

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.