Muddaharaad lagaga soo horjeedo Nicholas Kay oo Maanta Gilgilay Magaalada Baydhabo

Baydhabo(Aftahannews):- Muddaharaad lagaga soo horjeedo Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya Danjire Nicholas Kay, ayaa maanta gilgilay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

2014625635392793513760202220146256353927930789074791 2014625635392794515636571720146256353927937434231268 20146256353927936217167855 20146256353927943472721426

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ee dalka Soomaaliya, ayaa maanta Muddaharaadkan ay isugu soo baxeen ee ay ka dhigeen magaaladaas, waxay ku muujiyeen sida ay uga soo horjeedaan, isla markaana u diiddan yihiin heshiiskii lagu Saxeexay Muqdisho ee Xukuumaddu ay sheegtay inay ku heshiisiisay labadii Maamul ee Baydhabo lagu dhisay ee saddexda gobol iyo lixda gobol oo khilaaf xooggani u dhexeeyey tan iyo markii bilawgii sannadkan la iska garab-dhisay ama la iska daba-dhisay Maamulladaas.

Dibed-baxa ayaa waxaa ka qaygalay Mas’uuliyiinta ugu sarreysa Maamulka lixda gobol oo horkacayay dadweynaha muddaharaadayey, waxaana dadweynaha ka qaybgalay ay wateen boorar ay ku muujinayaan sida ay heshiiskaas uga soo horjeedaan. Dadka Bannaan-baxayey ayaa socod ku maray jidadka waaweyn ee magaalada Baydhabo, iyagoo sitay Boodhadh ay ku xardhanaayeen “Nicholas Kay ha dhaco, Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ha dhaco.” Weedhahaas iyo kuwo kale-na way ku dhawaaqayeen Muddaharaadayaasha maanta isugu soo baxay Baydhabo.

Ciidanka Ammaanka magaalada Baydhabo, ayaa isku dayay inay joojiyaan bannaanbaxaas, laakiin waxaa ka xoog batay dadweyne careysan oo jiiray ciidamadii isku dayay inay jooojiyaan bannaanbaxaas. Bannaan-baxan waxaa horkacayay Cabdullahi Maxamed Idris (Leesto) oo ka mid ah wasiirrada maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol ka kooban iyo Yuusuf Maxamed Kheyr, kuwaasoo jeediyay hadallo kulul oo ay ku diidayaan heshiiskaas.

Guddoomiyaha ururka haweenka gobalka Baay iyo siyaasiga Yuusuf Maxamed kheyr ayaa sheegay inay dagaal ka xigaan arrimaha Muqdisho ka socda, ayna yihiin kuwo aan ka hirgeli doonin Baydhabo. Bannaabaxan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maalin ka hor ay Muqdisho ku kala saxiixdeen maamullada Koonfur-galbeed ee lixda gobolk iyo saddexda heshiis ay madaxda dowladda Soomaaliya sheegeen inay muddo ku qaadatay ka soo shaqeyntiisa.

Xubnihii heshiiska saxiixay ayaa lagu wargeliyay inay dib ugula noqdaan gobolka Bay oo ay shacabka kasoo dhaadhiciyaan muddo kooban gudaheen, iyadoo aan la ogeyn sida ay taasi ugu suuro-geli karto maadaama uu maanta dhacay dibad-bax looga soo horjeedo heshiiskaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.