Madaxweyne Siilaanyo Muxuu ka yidhi tallaabada Muuse Biixi ugaga tanaasulay Musharraxnimada?

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in dadka Somaliland yihiin Qaran halgan ku jira, isla markaana waxyaabaha qaar in la isku qabtaa ay imanayso, balse loo baahan yahay in markasta Qaranku yeesho cid gurmata oo xallisa hadba xaaladaha soo kordha.

SIILAANYO, BIIXI IYO SAYLICI

MUUSE, SIILAANYO, SAYLICI, M KAAHIN RASHIID IBRAAHIN CIISE IYO GANACSATADA SACAD MUUSE

Madaxweyne Axmed-Siilaanyo waxa uu sidaa ku sheegay kulan qado ah oo uu maanta Madaxtooyada kula qaatay xubno Ganacsato ah oo ku guulaystay soo-xero-gelinta Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ka dib markii ay habeen-hore Madaxtooyada isku-hor-fadhiisiyeen Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi oo khilaaf doonista hanka kursiga ee Musharaxnimada Jagada Madaxweynaha ee Xisbigaas ah isku-qabteen, labadooda oo mid waliba hore u sheegay inuu Musharrax yahay, ka dibna uu Muuse sidaa ku tanaasulay.

Tallaabada uu Muuse Biixi ugu tanaasulay Madaxweyne Siilaanyo inuu noqdo Musharraxa keliya ee u taagan jagada Madaxweyne-nimo ee Xisbiga KULMIYE shanta sano ee soo socda oo uu tanaasulka ka hor aad ugu ad-adkaa, ayaa timi ka dib markii ay Ganacsatada ay Muuse isku beesha yihiin ee Sacad Muuse, ka dib markii ay Ganacsatadaasi u muujiyeen Guddoomiye Biixi dano guud oo dhaqaale iyo maaliyad uu isagu gaar u helayo haddii uu caddeeyo inuu ka tanaasulay Musharraxnimadiisa xiisadda ka dhex-dhelisay isaga iyo Madaxweynaha, taasoo Muuse-na aqbalay sida uu shalay ku caddeeyey Shir Jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Hargeysa.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo caddaynin, isla markaana uu Muuse Biixi laftiisu waxaan suuragal ahayn oo aanu geyin ku tilmaamay wararka sheegaya inuu dhaqaale dhaafsaday hankiisii siyaasadeed iyo himiladii Kursiga, haddana waxa jira warar kala duwan oo tibaaxaya inuu xaddi dhaqaale qaatay Muuse, waxa wararka qaar Lacagtaas ku sheegeen boqol kun oo Doollar sida Weriye Aftahannews ka tirsani ka soo xigtay Xubno Weriyeyaal ka mid yihiin oo si dhaw ula socday dhaq-dhaqaaqa kulankaas, kana qayb-qaatay Masuuliyadda gaadhsiinta Warbaahinta War-Saxaafadeedka Ganacsatadu kaga hadleen inuu Muuse u tanaasulay Madaxweyne Siilaanyo, ka  dib kulanka ay habeen-hore ku yeesheen Madaxtooyada.

Haddaba, Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo aan isagu illaa habeen-hore ka hadal tanaasulkaas, ayaa maanta Madaxtooyada Casuumad Qado-sharaf ah ugu sameeyey Xubnaha Ganacsatada Beesha Muuse Biixi ee soo gebo-gabeeyey khilaafka salka ku hayey Musharraxnimada Muuse ka tanaasulay, ayaa sheegay inuu Madaxweyne ahaan u mahad-celinayo Ganacsatada hawshaas khilaafka soo afjaray.

“Waxaa farxad weyn maanta ii ah inaynu halka kan mahad-naq ballaadhan isugu nimi, innaga oo hawlihii dhex-yaallay Xisbigeenna xallinnay. Waxaan jecelahay inaan mahad-naq ballaadhan u jeediyo Odayaashii Sharafta lahaa ee doorka weyn ka qaatay xallinta khilaafkaas iyo isu-keenka ummadda, aad iyo aad iyo aad baan ugu mahad-naqayaa.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Qaranka Somaliland, sida aannu ka qornay Cod lagu soo diray Email-ka gaarka ah ee Xoghayaha Afhayeenka Madaxtooyada oo Warbaahinta loo kala diray.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay inay is-qabashadu caadi tahay, balse ay muhiim tahay in Qaranku lahaado qayb gurmata oo xal keenta, waxaanu yidhi; “Qaran baynu nahay ku jira halgan, Qaran baynu nahay hawl fara-badan ummadda iyo dunidu ka sugayso, waana wax caadi ah in ama la is-qabto ama wax la isugu yimaaddo. Laakiin, waa inaynu lahaanno Qarankeenno qayb gurmata, qayb wax lallila waa inaynu lahaanno, dad wax isu keena waa inaynu lahaanno, si aynu dhibaatooyinka innagu yimaadda aynu marba uga gudubno. Illaahay mahaddii maanta Odayaashaa sharafta leh ayaynu haysannaa ee qiimaha iyo qaayaha leh, aad iyo aad baan ugu mahad-celinayaa, kulligiinna aad baan idiin soo dhawaynayaa.”

Kulankaas Qadada ah ee uu Madaxweynuhu u sameeyey Ganacsatada u fududeeyey inuu Muuse u tanaasulo ee ka qabsoomay Madaxtooyada magaalada Hargeysa, ayaanay goob-joog ka ahayn Saxaafadda Madaxa-bannaan ee dalka ka hawlgasha, waxaana sida dhaqanka iyo caadada u noqotay Madaxtooyada intii Siilaanyo xilka hayey marka laga reebo sannadkii ugu horreeyey waxa lagu soo diray maanta email-lada Hay’adaha Warbaahinta iyo Weriyeyaasha, waxaanay Madaxtooyadu jebisay qodob Dastuuri ah oo waajibanaya in Warbaahinta si siman loo siiyo Wararka lagu qabanayo Madaxtooyada dalka looga teliyo.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.