“Waa jirey in ninkaas (Xijaabka & Niqaamka xidhan) Ciidanka Boolisku qabteen ,,” Taliye Fadal

Hargeysa(Aftahannews):- Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan, ayaa sheegay inay baadhis ku wadaan Nin  Ciidanka Ammaanku gacanta ku dhigeen shalay, ka dib markii la qabtay isaga oo ku labbisan Dharka Dumarka, gaar ahaan Xijaabka iyo Niqaamka ay Haweenku qaataan, kaasoo marayey badhtamaha Suuqa Hargeysa.

Taliyaha Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Cabdillaahi Fadal Iimaan oo ay maanta Warbaahintu wax ka weydiisay ninkaas Xijaabka iyo Niqaamka ku labbisnaa oo la sheegay inuu ka shaqeeyo mid ka mid ah Shirkadaha Ganacsiga Somaliland ee Hargeysa xarumaha ku leh, ayaa ka gaabsaday inuu caddeeyo ta ay tahay Shirkadda uu ka shaqeeyo iyo inuu Shirkad ka shaqeeyo-ba.

Halkan hoose ka daawo Taliyaha Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan oo ka jawaabayo su’aalo laga weydiiyey jiritaanka in ninkaas la qabtay iyo kuwo kale, daawasho wacan.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay ee Nin Dharka Haweenka u gaarka ah ku labbisan lagu qabto gudaha Suuqa Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, kaasoo shalay lagu qabtay Suuqa dhexe ee Caasimadda gaar ahaan Istaanka laga raaco Basaska Xero-awr, kaasoo sababta loo qabtay la sheegay inay ku timi, ka dib markii uu ninkaas oo Xijaab iyo Niqaam xidhan oo loo haysto qof Dumar ahi uu isagoo si xawli ah u socda jiidhay Haweenay raacitaanka Baska la sheegay inay isu diyaarinaysay, taasoo markii uu dhaafay ku qaylisay; “Waxa I jiidhay Naag ka xoog badan.”

Markaa ka dib ayey dadweynihii Suuqa marayey qabteen Ruuxaas aan loo kala saaraynin Nin iyo Naag ka uu yahay, kuwaasoo markii ay qabteen arkay inuu nin yahay, isla markaana wacay Ciidanka Booliska oo ay ku simeen, ka dibna ay la wareegeen Ciidanka Booliska Saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa oo la sheegay in ninkaas lagu xidhay shalay ahaan. Illaa hadda si cad looma oga ujeeddada ninkaas u xidhay Xijaabka iyo Niqaamka iyo danta uu ka lahaa toona.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.