Booliska Muqdisho oo Baafiyey Magacyada 10 qof oo Qaraxyo wada iyo mid ka mid ah oo hadlay

Muqdisho(Aftahannews):- Taliska Ciidanka Ammaanka dalka Soomaaliya, ayaa baahiyey magacyada dad ay baafinayaan oo ay sheegeen inay ku hawlan yihiin inay Qaraxyo ka fuliyaan gudaha magaalada Muqdisho oo ay xuseen inay joogaan, kuwaasoo ay sheegeen inay ka tirsan yihiin Malleeshiyada Al-Shabaab ee ka midka ah argagixisada Al-Qaacida.

Booliska-Soomaaliya

Ciidanka Booliska dawladda Soomaaliya waxay sheegeen oo ay baafinayaan magacyada toban 10 Ruux oo ay sheegeen inay joogaan Muqdisho, kana tirsan yihiin Al-Shabaab, isla markaana ay damacsan yihiin inay isku qarxiyaan goobo ka mid ah magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya.

Inkasta oo aanay Booliisku sheegin xilliga ay doonayaan Raggan inay qaraxyada ka fuliyaan Caasimadda ayaa haddana waxa mid ka mid ah dadkan oo magacyooda iyo taleefoonkooda lasoo bandhigay uu VOA-da u sheegay inaanu ka mid ahayn Al-shabaab, khatarna aanu ku ahayn ammaanka Muqdisho.

Afhayeenka Booliiska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA, ayaa sheegay in Raggani ay yihiin kuwo ay Ciidammada Sir-doornka dowladdu magacyadooda iyo taleefoonnadooda soo heleen, waxaanu yidhi; “Ciidamada dowladda ee dhar cadka ah ayaa magacyada iyo taleefoonnadan soo helay, waana kuwo lagu kalsoon yahay oo la hubiyay, waxaana wadnaa qorshihii aan kusoo qaban lahayn.”

Sidoo kale, Afhayeenka Booliska Soomaaliya oo la weydiiyay sababta ay u shaaciyeen intii ay howlgal sameyn lahaayeen ayaa sheegay inay doonayaan inay shacabka la wadaagaan in xubnahan ay kusoo wargeliyaan ciidamada amniga haddii ay arkaan.

Dadka magacyadooda lasoo bandhigay ayaa kala ah: Ibraahim Cabdiraxmaan Axmed, Maxamed Nuur Muunye, Cabdirisaaq Yuusuf Aadan, Maxamed Xirsi Yuusuf, Maxamed Shirwac Cali, Xuseen Yuusuf, C/llaahi Raage Cumar, Maxamed Cabdi Cali, Xasan Cali Liibaan iyo Bilaal Aadan Khayre.

Balse nin magaciiisa ku sheegay, Cali Muxamed Afrax oo ka mid ah dadka ay soo bandhigeen taleefooonnadooda ciidamada booliiska Somalia oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay inuusan wax lug ah ku lahayn eedeynta loosoo jeediyay.

“Shacab badan oo aan garanayo ayaa i soo wacay iyagoo i leh Al-shabaab miyaa ka mid noqotay, waa maxay arrinta ay booliisku soo bandhigeen, balse booliiska, suxufiyiinta iyo cid kale oo isoo wacday ma jirto weli,” ayuu yiri wiilkan Afrax ku sheegay magaciisa.

Mar la weydiiyay wuxuu ka shaqeeyo iyo inuu khatar ku yahay amniga Muqdisho ayaa sheegay inuu ka shaqeeyo rinjiyeynta guryaha, wax khatar ahna uusan ku ahayn amniga dalka, gaar ahaan Muqdisho. Sidoo kalena uusan ahayn booliis iyo Al-shabaab midna.

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo booliiska Somalia ay si rasmi ah u soo bandhigaan, iyadoo hay’adaha ammaanku ay dhowr jeer ka digeen inay dhici karto in Muqdisho ay xaalad amni oo khatar ah gasha bisha Ramadaan ee foodda nagu soo haysa.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.