Nuxurka afar qodob oo ka soo baxay Kal-fadhiga 6-aad ee Golaha Deegaanka Hargeysa

Hargeysa(Aftahannews):- Afar qoddob oo kala duwan, ayaa lagu ansixiyey Kal-fadhigii 6-aad ee Golaha Degaanka Hargeysa oo ka qaybsoomay xarunta dawladda Hoose ee caasimadda Somaliland shalay.

Golaha Degaanka Hargeysa

Kal-fadhiga Golaha Degaanka oo uu shirguddoominayey Maayirka Hargeysa Md.  Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Solteeko), waxa lagu ansixiyey 4 qoddob oo ay soo gudbiyeen guddida joogta ee Golaha Deegaanku, iyadoo xildhibaannadu cod gacan taag ah ku meelmariyeen qoddobadaas.

Maayirka caasimadda oo sharaxay qoddobada ay asnixiyeen, waxa uu yidhi; “Afar qoddob ayey xildhibaannadu ansixiyeen, kuwaas kala ah;

1. Lacagtii aynu waddooyinka ku qornay markii aynu samaynaynay waddada dhexe waxa lagu soo wareejiyay waddada dhexe.

2. Waa in ay dawladda hoose amaahato lacag ay ku soo iibsato qalabkii waddooyinka

3 Waa in la ansixiyo Lacagtii Ciyaartoyda ku ciyaara magac caasimadda ee tagay magaalada Darasalaam ee dalka Tansaaniya

4- In Maayirka Laascaanood oo gaadhigiisii qalibmay in loo iibiyo gaadhi cusub.”

Waxa kaloo maayirka caasimaddu ka xog-waramay waxqabadka u qabsoomay afartii bilood ee u dambeeyay, waxaannu yidhi; “Waxaynu halkan ka bilaabnay in aynu warbixino ka dhagaysano guddiyada halkan fadhiya, sidaad halka ku arkaysaana kani waxa weeyaan buuggii waxqabadka Golaha Deegaanka ee caasimada Hargeysa, laakiin warbixinta aannu maanta bixinayno waxa weeyaan afartii bilood ee ina dhaafay iyo waxyaabaha taagan oo ay ka mid tahay ajendayaasheenna inay ku jiraan.

Runtii aartan bilood ee ugu horreeyay sannadkan hawlo badan ayeynu qabanay oo ah waddada dhexe ee ka soo bilaabmaysa Haleeya, kuna joogta is-goyska xaafadda Jigjiga-yar ee caasimadda Hargeysa. Maalmaha soo socdana la gaadhsiin doono ilaa kaan taroolka dhinaca galbeed, halkaasoo ay lacag badan ku baxday, qayb ka mid ah waxa bixiyay xukuumadda, qaybta kale waxa bixisay dawladda hoose ee Hargaysa,” ayuu yidhi maayirku, isagoo intaas ku daray; “Waxa kale oo aannu beddelnay dhaamaan shirkadihii guri jiray qashinka, markaas shirkaddii koobaad ee soo dhamaysatay qashinka waxa ay hawlgali doontaa Salaasada innagu soo aadan, waxaanan u samayn doonaa xaflad, mar haddii ay la yimaadeen iska rogooyinkii qashinka duubanayay.”

Maayirka ayaa sidoo ka hadlay mashaariicda kale ee ay ka fuliyeen caasimadda Hargeysa, waxaannu yidhi; “Waxa kaloo aannu samayney Buundo weyn oo laba kiilloo mitir ah oo ku yaal marka sayladda xoolaha laga yimaad. Waxaannanu dhamaystirnay mashaariicdii sannadkii hore ka hadhsanaa, kuwaas oo kala ahaa waddada Siinay oo ahayd hal kilo mitir. Waddada Istaanka Jabuuti oo laba killo mitiri ah. Waxaannu dhisnay wada kale oo ka soo daadagta xaafadda Jigjiga Yar oo hal kiilo mitir iyo badh ah. Waxa kale oo aannu dhisnay buundooyinka ay biyuhu hoos maraan, waxaan dhamaatay buundada Axmed Dhagax iyo tii Gacan Libaax. Waxaannu dhamaan nadiifinay meelahii uu qashinku buux dhaafiyay si aannu cuduro uga dhalan xilli-roobaadkan innagu soo socda.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.