Mulkiilaha Gaadhi 23 Cisho ka lusha Buurto Sheekh oo qaylo-dhaan diray, kana hadlay dhib iyo gurmad la’aan haysata

“Wiishkii noo yimidna niman ayaa af-lagaaddeeyay, oo yidhi Waddadii ayaad xidhay oo ninkii waday iyo anigaba waa nala laayay, oo ninkii Wiishka lahaa habeennimadii ayaa la xidhay..” Mulkiilaha Gaadhiga Buurta Sheekh ka lusha Maxamed Sheekh Ibraahim (Geelle)

Sheekh(Aftahannews):- Mulkiilaha Gaadhi Xamuul ah oo 23 cisho ka hor ku ciiray Buurta Sheekh ee gobolka Saaxil, ayaa cabasho ka muujiyey dhibaatada halkaas ku haysata 23-ka dharaarood ee gaadhigiisu Jarkaas ka laalaaday oo uu sheegay inaanu helin wax gurmad ah Baabuurka kala saara dawga uu ka laallaado.

Gaadhiga ka dhacay Jarka Buurta Sheekh

WADAHA GAADHIGA LAA'LAADA

Gaadhaas oo noociisu yahay kuwa Waaraadka ama Candha-meydlaha loo yaqaanno ee Xamuulka qaada, isla markaana u kala goosha Somaliland iyo gobollada dhexe ee dalka Soomaaliya oo saddex toddobaad ka hor  ka baxay magaalada Berbera, una socday  dhinaca magaaladda Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee dalka Soomaaliya, ayaa  23 cisho ku xanniban badhtamaha dawga Buurta Sheekh ka dib markii uu halkaasi ka dhacay Gaadhigaas oo ku rararnaa 550-kiish oo Baasto ah oo uu ka qaaday Dekedda Berbera, una waday Baladweyne.

Maxamed Sheekh Ibraahim (Geelle), oo ah Derawalka waday Gaadhigaas oo uu Mulkiyaddiisa isagu leeyahay oo Maanta Khadka Teleefanka ugu warramay qaar ka mid ah Warbaahinta Hargeysa isagoo ku sugan Buurta Sheekh ee uu Baabuurkiisu ka laallaado, ayaa sheegay in aanu muddadaas Gaadhigiisu ka laallaaday Buurta uu halkaasi ku xannibnaa wax caawimo iyo taageero ahna aanu ka helin dhinaca dawladda iyo cid kale midna, waxaanu tilmaamay in Baastada uu siday oo ay lahayd Shirkadda Al-ikhwa  ay burburtay, ka dib markii ay isku deyeen in ay Baabuurka ka dejiyaan.

Maxamed Sheekh Ibraahim oo ku magac dheer Geelle oo ka warramaya xaaladda ay hadda ku sugan yihiin iyo sida shilku halkaas ugu helay waxa uu yidhi; “Magacaygu waa Maxamed Sheekh Ibraahim (Geele), baabuurkaygu wuxuu halkan ku dhacay muddo haatan laga joogo 23-maalmood, waxaan ka imid Berbera waxaanan u socday magaaladda Beledweyne, Baaburku wuxuu siday Baasto, waxaana laga soo raray Dekadda Berbera, Baastadaasina waxaa leh Shirkadda Al-Ikhwa, Baabuurkayga noociisu waa kuwa loo yaqaano Candho-meydle. Maalinta uu gaadhigu meeshan ku dhacay habeen Salaasa ah ayay ahayd, markii aan Buurta Sheekh soo koray waxaan siday 550-kiish oo Baasto ah, meel dhexe markaan marayo ayaa waxa dhacay gaadhiga ayaa waxoogaa saacaddu iga kacday, oo wuu yaro kululaaday, Biriiga ayaan qabtay oo waan is-taagay, markii aan is-taagayna Baabuurkii dib ayuu u cararay, oo uu taraaray.”

“Subaxnimadii gurmad ayaa iiga yimid xagga Burco xamaaliin ah, gaadhigii ayaa rarkii  maalintii ilaa habeenkii saddex beri ayaa laga rogayay, saddexdaasi maalmood ee laga rogayay iyo xamaaligaasi badan ee uu galay ayaa dhibaato faro badan keentay, oo Baastadii ayaa iga burburtay oo gaadhigii ayaa iga burburay, inta waxaas oo dhibaato ahi igu dhacday.” Sidaa ayuu yidhi Mulkiilaha Gaadhigaasi.

Darawal Geelle oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku ladhay oo uu yidhi; “Dawladda Somaliland iyo dadka Soomaalida ah ee Islaamka ah ee dhulka deggan wax gar-gaar ah kamaan helin, sidii aan ka filayay  ma aha, shan iyo toban sano ayaan Somaliland gaadhigan kaga shaqaynayay. Illaa immikana halkii ayaan joogaa cid ii timid iyo wax rejo ah oo aan hayaana ma jirto, xagga dawladda cid kama hayo, qof bani’aadam ah ma hayo, Burco waan tegay, Berbera waan tegay qof iga naxa ma arkin.”

Maxamed Sheekh Ibraahim (Geelle), oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey Gaadhi Wiish ah oo la sheegay in maalin dhawayd loo soo diray iyo waxa uu u qabtay, waxa uu ku jawaabay; “Gaadhiga Wiishka ah ee maalinta dhawayd ii yimid Shirkadda Beder ee laydhka Burco iyo Sheekh u shidda ninka leh ayaa iska lahaa, oo Burco ayuu iiga yimid, Wiishkaasina 140-tan ayuu ahaa, fureyaashiina waa laga xaday Derawal fiican oo yaqaannana waa la waayay, intaa ka dibna Wiishkii noo yimidna niman ayaa af-lagaaddeeyay, oo yidhi Waddadii ayaad xidhay oo ninkii waday iyo anigaba waa nala laayay, oo ninkii Wiishka lahaa habeennimadii ayaa la xidhay, dadka waxaasi nagu sameeyayna magaalada Sheekh ayay hadda joogaan oo waa niman Odayaal ah.”

Mulkiilaha Gaadhigaas Jarka Sheekh ka laalaadaa waxa uu intaa ku sii ladhay oo yidhi; “Waxaa jirta waraaq la gooyo oo $25 doollar ah, oo ay gooyaan is-kaashatadda gaadiidka ee aan ku jiro, is-kaashataddana waxaan ku niqiinnay gaadhiga markii ay wax ku dhacaan in lacagtaasi la ururinayo lagu caawiyo, lacagtaasina waa la iga qaadaa, meel walba oo aan joognana taasi ayaannu ku niqiinnay, hadday Xamar tahay, hadday Boosaaso tahay, hadday Gaalkacayo tahay  iyo magaallo kastaba.”

“Somaliland-na is-kaashato ayaan kaga jiraa oo gaadhigaygu wuu buufisan yahay, lacagtana waa la iga qaadaa, is-kaashatadii aan ku jirayna waxba kama hayo oo iimay soo gurman, aniga Baabuurkayga lanbarkiisa Somaliland waa 31216, sidoo kale Waraaqdii Cashuurta waddo-marista ee Somaliland lixdii bilood ee u dabeeyay waan bixiyay oo Baabuurkayga way ku dhejisan tahay  iyo Cashuurta liisanka dhammaanba waan bixiyay,  maalin iguma baaqato.” Sidaa ayuu yidhi Maxamed Sheekh Ibraahin.

Maxamed Sheekh Ibraahim (Geelle), ayaa farriin u diray xukuumadda Somaliland, guud ahaanba umadda islaamka iyo cid kasta oo wax la qaban kartaba in ay u soo gurmadaan, meesha uu ku xaniban yahayna looga saaro, waxaanu yidhi; “Fariinta aan umadda Soomaaliyeed u diarayaa waxay  tahay  bil Ramadaan ayaa igu soo dhaw meeshana iska daa dabaysha iyo kulaylka ka dhacaya waad yaabaysaa, meel uu qof bani’aadam ahi joogi karro ma aha, qof ay dani hayso mooyaane, umadda Soomaaliyeed, islaamka iyo dawladda Somaliland waxaan ka codsanayaa gaadhigan in ay iiga bixiyaan meeshan, oo meeshan oo illaahay uuni xaalkeeda ogyahay i dhaafiyaan, oo ay ii soo gurmadaan illaahay dartiis ayaan ka doonayaa.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.