TACSI MADAXWEYNE

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN – Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Ganacsatada Dalka, Qoyskii, Qaraabadii, Ehelkii iyo Asxaabtii uu ka baxay Ganacsade Axmed Xuseen Kooshin oo ku geeriyooday 21.06.2014 Magaalada Gabiley.

tacsi1

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku tilmaamay Ganacsade Dalka ka baxay door mihiimana ku lahaa dib u dhiskiisi iyo nabadayntii beelaha Somaliland wada dega.

Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ganacsatadii, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan ha ka siiyo.

IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.