Tanaasulka Muuse Biixi iyo Qodabbada aan la innoo Sheegin!

Iyadoo laga duulayo dhibaatada taagan, waxaan filayaa in qodobada hoos ku sheegan iyo qaar kaloo badan lagu heshiiyay oo Muuse iyo Raggii la socday.

Ganacsatada Saad Muuse ee shaaciyay tanaasulka loo nisbeeyay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi , waxay inoo sheegeen oo kalya  qodobaka kowaad ee heshiiska.  Qodobada intoodii kale malaha waa sir dawladeed oo la inooma sheegin. Hadabe,  bal aynu mala-awaallo qodobada lagu heshiiyay ee taabanaya  nabarada ummadan dhibay ee loo baahanyahay in laga daweyo. Meel-ka-dhaca iyo xad-gudubka goor walba taagan ee loo baahan yahay in  Madaxawayne Ahmed Silayo si degdeg ah wax uga qabto.

Iyadoo laga duulayo dhibaatada taagan, waxaan filayaa in qodobada hoos ku sheegan iyo qaar kaloo badan lagu heshiiyay oo Muuse iyo Raggii la socday ay ku qanceen  – waa haddi Madaxwaynaha iyo Xisbiga Kulmiya damac ka hayo in dib loo doortyo oo waddanakan ay ka sii taliyaan:

1) In Saxaafadda cabudhinta laga daayo,  oo loo ogolaado inay ummadda uga warramaan xaalka wadanku mariyo iyo waxii jira. In saxaafadda  lagu dhaqo oo KALIYA xeerkii Saxaafadda ee Barlmaanku ansixiyay sannadkii 2007.

2) In la joojiyo Warbaahinta  Qarranka ee sidii AYGA  maalinba  la odhanyo hebel amma reer hebel ku Ci’. Si loo helo warbaahin madax bannaan,  waxa lagama maaramaan ah in warbaahinta Qaranka laga dhigo sida BBC , oo Mareeyaha TV & Idacda qaranka uu Madaxwaynu magacaabo, barlamankuna ansixyo. Haseyehsee, baramanka oo kali ahi  shaqada ka eriyi karo- Sidaas wuxuu noqonayaa Mareeye ka madax bannan cid kasta.

3) In heshiisyada Somaliland la gasho shariikadaha iyo dawlada qalaad , la hor keeno barlamanka. Heshiiska aan Golayaasha xeer-dajinta soo marin in loo aqoonsada mid aan waxba ka jirin (Null & Void)

4) In wasiir kasta  awoodiisii  oo buuxda loo soo celyo . Oon dib la arag wasiir shan wasaaradood xilkoodii tuura kuwa sita,  oo maalinba meel aan loo diran ka tala bixinya oo qaraarna ka soo saaraya. Wasiirkii xilka lahana aad moodo badhi-wale.

5)  Si gaar ah,  waxa u tilmaaman wasiirka Madaxtooyada, isla markaana ah wasiirka Waddoonyinka, isla markaana ah wasiir walbna oo kale,  iyo golaha wasiirada oo dhan.  Waa in wasiirkaa isaga ah arrinkiisa lagu soo celiyo sidii  dabiiciga ahayd???  Waa in Mr. Xersi madaxtooyadda laga fogeeyo si ummaddan sharkiisa looga badbaadiyo . Waxa la ogaaday in Mr. Hersi dhinaca shakhsiyadda (personality) la wadaago dhowr qof oo  taariikhda  caalamku sheegayso inay sabab u ahaayeen dawlada dumay:  1) Micaville of the Renaissance. 2) Rasputin of Russian Empire. 3)  Adolf Hitler of Germany.

Waxa kale oo aad  layaab u leh inuu Mr. Hersi isku wada darsaday qalloocii iyo shaydaanimadii ay lahayeen sadexdaa “MARIID”.  Waxa kale of iyana aad loola yaabanyahay sida ay Somaliland 4 sanadood  tasarufaadka wiilkan ugu dulqaadan kartay .  Waxaan hadalka ku soo gabagabaynaa : Waa halkii Aw Gaas’e: Haddan inankaa la Qaban, wallee in Meel Dheer Laga Dooni.

Hassan Abdi Yousuf

Riyadh Saudi Arabia.

Qoraalkan waxa Masuuliyaddiisa leh oo ay u gaar tahay qoraaga, maaha mid ay Aftahannews leedahay Masuuliyad ahaan, hase-yeeshee, waxaannu u baahinnay dhiirrigelinta qoraaga, fikirka xorta ah iyo is-weydaarsiga aaraahda iyo rayi-dhiibashada Bulshada Akhristayaasha iyo Qorayaasha.