Guddiga doorashooyinka Somaliland oo ka hadlay bilawga diiwaangelin tijaabo ah oo bilaabantay

Hargeysa(Aftahannews):- Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa shaaciyey inay maanta oo Sabti ah ka bilaabeen magaalooyinka Hargeysa iyo Baki diiwaan-gelin tijaabo u ah diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha doorashooyinka, taasoo lagu hubinayo sida ay hawshaasi u qabsoomi karto.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi (Geelle), oo maanta Warbaahinta kula hadlay xaruntooda Hargeysa, ayaa sheegay inay xarunta Guddigaas ee Hargeysa ugu talo-galeen hal goob oo lagu qabto tijaabadaas oo lagu diiwaangelin doono saddex boqol oo qof oo uu xusay in la doonayo in laba boqol oo qof ay ku celceliyaan is-diiwaangelinta, sababta oo ah waxa uu xusay inay rabaan inay ogaadaan tayada qalabka diiwaangelinta in lagu qabto ku habboon oo ay qalab tijaabo ah hawshaas ku qabanayaan.

Waxa uu Guddoomiye Geelle sheegay inay ogaanayaan saacaddiiba inta qof ee la diiwaangelin karo, inay qalabkaasi fashilin karaan qofka mar is-diiwaangeliyey ee mar labaad ku soo laabta si uu kaadhadh badan u qaato iyo in kale, iyo sida ay noqon karto natiijada ka soo bixi karta diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Somaliland oo loo qorsheeyey in dalka laga qabto bisha sagaalaad ee sannadkan aynu ku jirno.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland Maxamed Axmed Xirsi Geelle, ayaa sheegay inay diiwaangelintaas tijaabada ah ay maanta ka bilaabeen magaalada Hargeysa oo hal goob ah iyo hal goob oo ku taalla degmada Baki oo ka tirsan gobolka Awdal, labadaa goobood oo ay diiwaangelinta tijaabada ahi ka socon doonto saddex maalmood sida uu Guddoomiye Geelle sheegay.

Xubno uu ka mid yahay Guddoomiyihii hore ee Guddiga doorashooyinka Somaliland Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari), ayaa iyaguna degmada Baki u tegay qabashada diiwaangelinta tijaabada ah, waxaana faahfaahin warbaahinta ka siiyey tijaabadaas Xubnaha Guddiga ee ku sugan Baki. Halkan hoose ka daawo Muuqaalka diiwaangelinta tijaabada ah ee Baki iyo Masuuliyiinta ka hadlay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.