Samaale Muxuu ka yidhi tallaabada Muuse Biixi ugu tanaasulay Madaxweye Siilaanyo?

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa ka hadlay tanaasulka uu Muuse Biixi sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo uga tanaasulay Musharraxnimadii Madaxweyne-nimo ee uu ku dhawaaqay, muranka badanna Xisbiga KULMIYE ka dhex abuurtay, taasoo uu Samaale ku tilmaamay guul uu soo dhawaynay.

SAMAALE, SIILAANYO IYO M BIIXI

“Waa wax ILLAAHAY loogu mahadiyo, waxay Somaliland ku soo Caano-maashay isu-tanaasul iyo wada-tashi, taasoo ugu dambayntii sababtay in Guddoomiye Muuse uu aqbalay talooyinkii ummadda reer Somaliland u soo jeediyeen oo uu u tanaasulay in Madaxwaynuhu noqdo Musharraxa Xisbiga taladda dalka haya ee KULMIYE ee Shanta sano ee soo socda.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Maaliyadda Somaliland Cabdicasiisi Samaale oo qoraal kooban maanta ku baahiyey bartiisa uu ku leeyahay Barkulanka Bulshada ee Facebook.

Waxaanu Wasiir Samaale oo sii watay qoraalka uu Facebook-giisa ku baahiyey intaa ku sii ladhay oo uu yidhi; “Waxaan u Mahad-celinayaa dhammaan dadkii ka qayb-qaatay dhammaystirka arrinkan, waxaanan u rejaynayaa Madaxwaynaha dalku inuu noqdo kii dalkan u horseeda Barwaaqo, Horumar iyo Ictiraaf laga helo beesha caalamka.”

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland oo isagu sannadkii hore shaaciyey inuu yahay Musharrax u taagan jagada Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo Musharraxnimada Madaxweyne-nimada Xisbigaas dhexdiisa, ayaa hore u sheegay inuu ka tanaasulay labadaas boos-ba, ka dib markii wadahadal iyo isu-soo-dhawayn dad badan ay Xisbiga dhexdiisa ka sameeyeen Guddi uu bishii Febraayo ee sannadkan Madaxweynuhu u magacaabay inay xalliyaan khilaaf ka dhex aloosnaa Xisbiga, markaas oo uu Samaale ka mid ahaa xubno lagu qanciyey inay hankooda Kursi-raadinta wakhtigan dhulka dhigaan.

Cabdicasiis Samaale waxa uu markaas ka dib shaaciyey in aanu lumin hankiisa ah inuu Madaxweyne mar uun Somaliland ka noqdo, hase-yeeshee, uu diyaar yahay maalinta uu Madaxweyne Siilaanyo haakah yidhaahdo ee uu dhammaysto haddii la doorto markiisa labaad doorashooyinka soo socda, sida uu hadalka u dhigay Samaale.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.