“Way ku jirtaa (Somaliland), Somaliya hawadeedu siyaasiyin hal baan u arkaa” Wasiirka Duulista Somalia

Montréal(Aftahannews):- Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa sheegtay inay guul ugu dhammaatay heshiis lagu gaadhay in Maamulka Hawada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ay inta sannadkan 2014 lagu guda-jiro ay si rasmi ah ugala wareegto Hay’adda ICAO oo labaatankii sano ee u dambeeyey gacanta ku haysay Maamulka hawada sare ee Soomaaliya.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Wasiirka Gaadiidka, Duulista iyo Hawada Sare ee Soomaaliya Siciid Jaamac Qoorsheel oo isaga iyo Wefti uu hoggaaminayaa ku sugan yihiin magaalada Montréal ee waddanka Canada, ayaa faahfaahin ka bixiyey waxyaabaha ay ka wadahadleen Masuuliyiinta sarsare ee Hay’adda Maamulka Hawada ee caalamiga ah oo magaceeda loo soo gaabiyo ICAO.

Wasiirka oo waraysi siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA isagoo ku sugan magaalada Montreal ee waddanka Canada, waxa uu sheegay in Hawada ay Maamulkeeda la wareegayaan tahay hawadii Soomaaliya oo dhan, Soomaaliya hawadeeduna ay mid tahay, taasoo ay xataa ka mid tahay ta Somaliland oo ku doodda inay gaar u doonayso Maamulka Hawada gobollada ay ka taliso.

Waraysigaas oo dhinacyo badan oo Hawada, Maamulkeeda, Natiijada ka soo baxday Shirka ay la yeesheen Madaxda Sare ee Hay’adda Caalamiga ah ee ICAO ee fadhigoodu yahay Canada iyo wakhtiga loo wareejinayo Soomaaliya Maamulka Hawadeeda, ka dhegayso halkan hoose.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.