Muuse Biixi muxuu dhaafsaday hankiisii Musharraxnimada Madaxweyne-nimada KULMIYE?

“Spain oo Koobka haysatay waa laga saaray saaxadda, way ka laablaabatay, England oo Ciyaarahaba aasaastay way ka laalaabatay…Markii KULMIYE Odayaashiisii iyo dadka Xulkiisi isu yimaaddaan ninka la reebay ee laalaabtay waa aniga…” Guddoomiyaha KUKLMIYE Muuse Biixi

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u shaaciyey inuu hankiisii Musharraxnimada jagada Madaxweyne-nimo ee Xisbigaas uga tanaasulay Madaxweynaha talada dalka haya Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ah Guddoomiyihii hore ee KULMIYE.

MUUSE BIIXI IYO MADAXWEYNE SIILAANYO AFTAHANNEWS

Hase-yeeshee, waxaanay badi dadweynaha reer Somaliland is-weydiinayaan Muuse Biixi waxa uu dhaafsaday ama ku beddeshay tanaasulkiisa, maaddaama oo khilaaf Musharraxnimadaas ka dhashay meel sare gaadhay toddobaadyadii la soo dhaafay.

Inkasta oo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi uu maanta shir Jaraa’id ku qabtay xarunta Xisbigaas ee magaalada Hargeysa uu ku shaaciyey inuu tanaasulay, isla markaana su’aalo lagaga weydiiyey waxa uu dhaafsaday Musharraxnimadiisii iyo waxa ka jira inuu lacag qaatay, waxa uu ku dooday inaanu geyin, lacag uu qaatayna aanay jirin, wax suuragal noqon karana aan ahayn.

Haddana, waxa jira warar sheegaya inuu Muuse hankiisa Musharraxnimo waxa keliya ee uu kaga tanaasulay tahay Lacag ay weliba jeebkooda ka bixiyeen sida la sheegayo Ganacsatada waaweyn ee ay isku-beesha ka soo jeedaan, kuwaasoo iyagu xalay Madaxtooyada isugu geeyey Guddoomiye Muuse Biixi iyo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo, kuwaasoo iyagu ku guulaystay inay Muuse ku qanciyaan inuu Madaxweynaha hortiisa ka caddeeyo inuu u tanaasulay isaga awgii.

Waxay wararku intaas ku darayaan inay Ganacsatada laftoodu sidaa u yeeleen hirgelinta danohooda ganacsi ee gaarka ah iyo in Mashaariic ganacsi iyaga keligood loogu xidho qaab kooto ah, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Ganacsadayaasha Maxamed Aw Siciid Geeddi, Jaamac Oomaar, Rashiid Ibraahin Ciise iyo Maxamed Xuseen Axmed, kuwaasoo dhammaantood ka soo jeeda Beesha Muuse ee Sacad Muuse oo xalay iyagu soo saaray War-Saxaafadeed ay ku shaaciyeen inuu Muuse hankiisii Musharraxnimo ee shanta sano ee soo socdad uga tanaasulay Madaxweynaha Somaliland.

Inkasta oo aan si rasmi ah loo ogeyn xaddiga lacagta ah ee uu Muuse Biixi dhaafsaday hankiisa Musharraxnimo, haddana wararka ugu badan ee la hadal-hayo, ayaa tibaaxaya in lagu qanciyo inuu qaato lacag dhan Boqol kun oo Doollarka Maraykanka ah, halka ay wararka qaarkoodna tilmaamayaan in Lacagta uu ku qancay intaas ka badan tahay oo ay u dhaxayso laba boqol illaa boqol kun oo Doollar.

Halkan hoose ee AFTAHANNEWS AND RADIO waxaannu idiinku soo gudbinaynaa hadalka uu Muuse Biixi ka jeediyey Shirka Jaraa’id ee uu maanta ku qabtay xarunta KULMIYE ee magaalada Hargeysa oo Cod ah. Guji halkan hoose si aad u dhegaysato Codkaas.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.