Tifaftirihii Idaacadda Mustaqbal ee Muqdisho oo lagu dilay Qarax Gaadhigiisa loogu xidhay

Muqdisho(Aftahannewws):- Allaah Naxariistii Janno haka waraabiyo ee Weriye Yuusuf Axmed Abuukar (Keynaan) oo ka mid ahaa Weriyayaasha ka howlgalla Idaacadaha Maxalliga ah ee ku yaalla Caasimadda, ayaa maanta ku geeriyooday qarax loogu soo xidhay gaadhigiisa uu watay.

keynaan

Marxuum Yuusuf Keynaan waxa uu gaadhigu kula qarxay isgoyska Ceel-Gaabta, taasoo sababtay in uu u geeriyoodo. Marxuumka ayaa ka soo shaqeeyay Idaacado badan oo ku yaalla Muqdisho iyo kuwa kale, waxaanu markan ugu dambaysay ka shaqeynayay Idaacadda Mustaqbal, isla markaana uu ahaa Tifaftiraha guud ee Idaacadda Mustaqbal.

Ciidammada Booliska oo gaadhay goobta Allaah ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Keynaan gaadhiga kula qarxay, ayaa isku dayay in la damiyo gaadhiga, haye-yeeshee holac ka dhashay qaraxa ayaa sababay in gaadhiga guud ahaan gubto, isla markaana uu Marxuumkuna dabkaa qaraxu sababay gubay oo uu sidaa ku dhintay.

Maamulka Wasaaradda ayaa ehelada Marxuumka uga tacsiyeeyay geerida naxdinta ah ee ku timid Marxuum Keynaan. Innaa Lillaahi Wa-Innaa-Ilayhi Raajicuun.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.