Costa Rica oo Guul-darro Naxdin leh badday Italy iyo England oo ka hulleeshay Koobka Adduunka

Xulka Qaranka Costa Rica ayaa guuldaro naxdinleh baday xulka Italy , kagana adkaaday 1-0 ciyaartii caawa ee ay labada xul isku haleeleen , taas oo qirinqiir gallinaysa Talyaaniga laftiisa , Rajadii xulka England ka qabay u soo bixida koobka aduunkuna halkaas ugu dhamaatay, Heerka Groups kana kaga hadhay Tartanka sanadkan.

Italy oo naftu hayso

Costa Rica iyo Italy oo is mari waayay

England oo laga badiyey labadii ciyaarood ee ay ciyaartayba , ayaa rajada kaliya ee ay sugaysay ahayd , xulka Italy oo badiya labada ciyaarood ee u hadhay , laakiin taas waxa beeniyey oo waliba rajada xulka Talyaaniga lafteeda qirinqiir gallisay xulka wadanka koonfurta Maraykanka ah ee Costa Rica.

Italy iyo Uruguay ayaa isku rajo ah imika , kuwaas oo labaduba u baahan guul , haddii kale oo ay barbar dhac gallaana , ku kala bixi doona dhinaca goolal tirsiga , taas oo ah ariin aan hawl yarayn.

Kubad uu madaxa ugu dhaliyey ciyaaryahan Bryan Ruiz ayaa ugu filaatay Costa Rica inay lix dhibcood ku hogaamiso Group ka D, England-na si toos ah uga saarto tartanka koobka aduunka , Maadaama Talyaaniga oo ka badiyey Ingiriisku uu guuldaraystay , halkaasna kaalinta labaad ku cidhiidhsanayo.

 

Italy oo naftu hayso Italy oo qirin Italy oo qirinqiir ku jirta iyo England Italy oo qirinqiir ku jirta Italy oo

Xigasho Cadalool.com

Aftahahannews.com

Hargeysa/Somaliland.