Ganacsatada Sacad Muuse oo ka hadlay Muuse Biixi oo uga tanaasulay Siilaanyo Musharraxnimada

Hargeysa(Aftahannews):- Ganacsatada Beesha Sacad Muuse ee Habar-awal, ayaa ka hadashay sida uu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo, ugaga tanaasulay Musharraxnimadii jagada Madaxweyne-nimo ee Xisbiga dhexdiisa oo uu taagnaa, halkaana lagu soo afjaray khilaafkii hanka kursiga ka dhashay ee u dhexeeyey labadaas Masuul.

muuse-iyo-siilaanyo

Guddoomiyaha Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmiya uga Tanaasulay Musharaxnimadii Madaxwaynenimo ee uu dhawaan shaaciyey, waxaanu u tanaasulay, isla-markaana uu uga hadhay Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), sida aannu Aftahannews caawa idiinku soo baahinnay warkan ka hor. Waxaana warkan hadda xaqiijiyey Ganacsatada Beesha Sacad Muuse.

Sida lagu sheegay War-saxaafadeed ay soo saareen ganacsatada waaweyn ee Beesha Sacad Muuse, Guddoomiyaha KULMIYE, Muuse Biixi Cabdi, ayaa Madaxwayne Siilaanyo uga tanaasulay musharaxnimada Madaxwaynaha ee shanta sanadood ee socota, ka dib kulan caawa  ka dhacay qasriga Madaxtooyada Somaliland, kaasi oo ay ganacsatadu isugu geeyeen Madaxwaynaha iyo Guddoomiyaha KULMIYE isla-markaana ku wada hadashiiyeen.

 

War-saxaafadeedkan oo ay ku saxeexnaayeen ganacsatada kala ah, Maxamed Aw Siciid Geeddi, Jaamac Oomaar, Rashiid Ibraahim Ciise iyo Maxamed Xuseen Axmed, ayaa sidoo kale lagu sheegay in markii heshiiskaasi dhacay ay Madaxwaynaha iyo Muuse Biixi ay is gacan qaadeen.

 

Waxaanu War-saxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews.com, isagoo dhammaystiranna waxa uu u dhignaa sidan:- “Khilaafkii KULMIYE Ee baryahanba soo jiitamayey, waxa si xilkasnimo ah u soo afjaray ganacsatada waaweyn ee beesha Sacad Muuse, waxayna soo saareen qodobbadan.

  1. Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, Md. Muuse Biixi Cabdi, wuxuu jagada Musharaxnimada shanta sano soo socota uga tanaasulay Madaxwaynaha Somaliland, Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) taasoo si niyad sami la isugu afgartay, kuna dhamaatay inay is gacan qaadaan Madaxwaynaha iyo Guddoomiyaha KULMIYE, Ka dib kulan dhex maray Caawa (Xalay)

Magacyada Ganacsatada Beesha Sacad Muuse.

  1. Maxamed Aw Siciid Geeddi.
  2. Jaamac Oomar.
  3. Rashiid Ibraahim Ciise.
  4. Maxamed Xuseen Axmed.”

Aftahaninc@gmail.com

Aftahannewws.com

Hargeysa/Somaliland.