Hargeysa: 70 Arday oo ka qalin-jebiyey Machad ku dhisan Tabarucaad

Hargeysa(Aftahannews):- 70 Arday, ayaa ka qalin jabiyay Machadka Kalkaal Professional College oo ah Machad lagu barto Xirfadaha Farsamada gacanta iyo duruusta kale ee Maadiga ah oo Tabaruc lagu yagleelay muddo ka hor.

Kalkaal-2-300x217

Kalkaal-1-300x153

Xaflad Shahaadooyinka lagu guddoonsiiyay 35 arday oo bartay xirfadaha Dawaarka iyo 35 dhamaystay Computer-ka, ayaa lagu qabtay xarunta Machadkaasi oo ku taalla Xaafadda Xawaadle, taasoo ay ka soo qayb-galeen Guddida dhidibbada u taagay dugsigan, Maamulka iyo Macalimiinta, Waalidiin iyo Ardayda halkaasi wax ku baratay.

Machadkan oo ilaa hadda ku dhisan, kuna socda, Kaalmo tabarucaad ah oo ay bixiyaan Guddida Xaafadda Xawaadle iyo xubno qurbo-joog ah, ayaa ardayda maanta ka qalin jabisay noqonayaan dufcaddii saddexaad ee ka aflaxda intii uu jiray, sida uu sheegay Sheekh Maxamed Xasan oo ka mid ah Guddida farsamo ee hawsha machadka gacanta ku haya oo xafladaasi kaga waramay marxaladihii Machadkani soo maray.

“Machadkani wuxuu ku bilaamay, Niman Muslimiin ah oo ku noolaa waqooyiga Ameerika, ayaa waxay soo kaalmeeyeen qalab Computer, dawaaro iyo agab kale isugu jira, nimankaas Ilaahay khayr ha siiyo ee Hay’ad-bay u soo dhiibeen qalabkii. Hay’addiina way keentay, dabadeed qalabka markii  la keenay  meelbaa la dhigay oo Machadka lagu bilaabay. Kaddib muddo markuu socday, ayay hawshiisu istaagtay, dabadeed markay istaagtay waxa la wareegay oo qalabkii iyo hawshiiba lagu wareejiyay Guddida Xaafadda Xawaadle, waliba Guddida Masaajidka Xawaadle oo ka shaqeeyay sidii dib loogu dhaqaajin lahaa”ayuu yidhi.

Isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray “Hawsha markay Guddidu la wareegtay looma hayn wax dhaqaale ah oo lagu bilaabo, dabadeed Kiradii Guriga waxa isa saaray oo ilaa hadda bixiya Sheekh Aadan Siiro Ilaahay Khayr ha siiyee, Laydhka waxa bilaa lacag noogu geliyay Indho birta, Macalimiinta oo lagu bilaabay hal Macalin oo Dawaarka ah iyo waardiyaha dugsiga ilaaliya waxa Mushaharkooda iska kaashaday qolyo badan oo muxsiniin ah iyo guddida, hawsha Machadku halkaasay ka soo bilaabantay.

Guddida Masaajidku waxay mar walba ilaalinayeen oo ay hawl oo timaada ugu dhaqaaqayeen si aan Machadka waxbarashadiisu u istaagin oo ay dadkaa masaakiinta ahi waxbarasho uga helaan. Muddo hawshu markay sidaa ku soo socotay waxa halkan nagu yimi Xasan Maxamed Cali oo degen Ingiriiska oo isna naga kalaafo qaaday Macalimiinta qaar Mushaharkooda, markaa meeshu waxay ku socotaa tabarucaadkaa dadka muxsiniinta ah” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey  “Maanta waxa ka qalin jabiyay dufcaddii 3-aad oo shahaadooyin la siinayaa, Ardayda ka baxay ee wixii la baray ku shaqo tagayna ilaa boqol iyo dheeraad weeye”

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-siiro) oo ka mid ah Culimada waaweyn ee Somaliland, udub-dhexaadna u ah dhismaha Machadkan iyo Guddida Xaafadda Xawaadle, ayaa ka waramay qiimaha ay bulshada u leedahay waxbarashada machadkan laga barto iyo badhaadhaha lagu gaadho iskaashiga iyo wax wada qabsiga.

Sheekha ayaa iftiimiyay in dadku ay iskaashi iyo wax wada qabsiga horumar ku gaadhi karaan “laba kun oo qof ayaa halkan wax ku barta Maanta, baloodhka ay wax ku bartaan dadbaa ilaahay u diray oo bixiya. dadka waxaannu ku nidhaahnaa waar waxa inaga dhexeeyaa waa  danta guud ee inaga dhaxaysa. Asalka rasmiga ahina waa waxa qofku illaahay dartii ula baxo, waanan u mahad naqayaa dadka ka qayb qaatay. Annagu hore waanu uga soo qayb qaadanay, iminkana waannu ka qayb qaadanaynaa, waxaanan leeyahay aynu ka wada qayb qaadano dugsigan horumarintiisa, waayo waxaynu uga qayb qaadanaynaa carruurteeniibaa wax ku baranaysa, annaguna waxaanu dhiiri gelinaynaa in laga wada qayb qaato”ayuu yidhi.

Waxaanu intaasi ku daray Sheekh Aadan “anigu waxaan ka mid ahay dadka ku qanacsan inuu dalku dhismo oo horumar fiican gaadho, oo aynu wax wada qabsano. Waxaan u sheegayaa Guddida maanta inaan Machadkan ugu tabarucnay Shan boqol oo Dollar ($ 500).” Ayuu ku soo gabagabeeyay hadalkiisa

Ugu dambeyn waxa munaasibadaasi soo gabagabeeyay oo hadal mahad-naq iyo dar daaran isugu jira ka soo jeediyay Maamulaha Machadka Kalkaal, Cabaas Cabdilaahi Cumar, kaasoo dhawr qodob ka taabtay Guulaha Machadku ku talaabsaday muddooyinkan dambe iyo qorsheyaasha u degsaan.

Waxaanu yidhi “Dugsigan waxa noo suurto gashay inaannu Wasaaradda Waxbarashada ka diwaan-gelino oo ay ardaydu qaataan shahaado muctarif ah, waxa kale oo noo qorsheynsan inaanu Ardayda qalin jabisa ee xirfadaha barta Hay’adaha bixiya u waydiisan lahayn qalabka ay xirfadooda ku sii wadan karaan”.

Xubno ka mid ah waalidiinta Ubadkoodu ka aflaxeen Dugsigan iyo Ardayda qalin jabisay oo iyaguna halkaa ka hadlay, ayaa u mahad naqay cid kasta oo gacan ka geysatay hir-gelinta Machadkan ay ka aflaxeen iyo Macalimiintii Duruusta u dhigi jiray.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.