C/Risaaq Awaare oo u digay Saraakiil Puntland ah oo uu sheegay inay faro-gelin ku hayaan Beeshiisa

Hargeysa(Aftahannews):- Cabdirisaaq Cabdillaahi Awaare oo ah hoggaamiyaha Ciidan-beeleed abaabulan oo horraantii sannadkan ka soo goostay Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, isla markaana isu soo dhiibay dawladda Somaliland, balse aan weli si rasmi ah loo Qaramaynin, ayaa Aftahannews waraysi gaar ah oo uu manta siiyey dignini ugu diray Sarkaal Ciidan oo uu sheegay inuu Puntland ka yimi, isla markaan faro-gelin siyaasadeed ka wado gudaha dalka Somaliland.

CRISAAQ AWAARE

Cabdirisaaq Awaare oo hadda ku sugan magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, ayaa waraysi uu maanta la yeeshay Maxamed Bashiir Nuur Giriig oo ka mid ah Weriyeyaasha ka hawlgala Warbaahinta Aftahannews, waxa uu kaga hadlay dhaqdhaqaaqyadii u dambeeyey ee deegaannada Bariga Somaliland iyo sida ay Cidanka Qaranka Somaliland uga go’an tahay inay sugaan ammaanka Xuduudaha, ugana saaraan Malleeshiyooyinka siyaasadaha kale xambaarsan ee dhuumaalaysiga ku soo gala deegaannada ka tirsan gobolka Sool ee Somaliland, sida kooxdii laga saaray Taleex oo kale.

Sarkaal ka socda Maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed, ayaa shalay soo gaadhay Deegaanka Buraan ee gobolka Badhan ee Somaliland, halkaas oo la sheegay inuu ka wado dhaqdhaqaaqyo uu ku doonayo furfuris lagu sameeyo Ciidan Beeshiisa ka soo jeeda oo halkaas deegaan ku ah, isla markaana garab-taagan Somaliland. Haddaba, Cabdirisaaq Cabdillaahi Awaare oo arrintaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu digniin adag u dirayo Maamul-goboleedka Puntland iyo xubnaha Deegaannadan ka fallaagoobay ee u soo gudbaya dhinaca Somaliland.

Waxaanu Awaare oo su’aal arrintaa Weriyaha Aftahannews ee waraystay ka weydiiyey, waxa uu ku jawaabay; “Waxaan u sheegayaa Sarkaalka ka tirsan Maamulka Puntland ee danaha Maamulka uga fulinaya waa inuu si deg-deg ah uga baxo degaannada uu ka wado arrimaha Puntland degaannadu waa Somaliland, xad gudubna way ku tahay Somaliland deegannadeeda in bulshada laga dhaadhiciyo laguna beer laxwasado qabiil, Ciidamdan uu ku beerlaxwasanayo reernimada hore ayay uga baxeen Maamulka uu ka socodo, waxyna Ciidamadan joogaan dalkooda Somaliland.”

Sidoo kale C/Risaaq Cllaahi Awaare oo uu Weriye Giriig weydiiyey ujeeddada socdaalka uu wakhtigan ku joogo magaalada Hargeysa ee xarunta dalka Somaliland, iyagoo Malleeshiyooyinka Somaliland ka soo horjeedaa wadaan dhaqdhaqaaqyo ay doonayaan inay ugu soo duulaan Somaliland, waxaanu ku jawaabay; “Insha Allaah hawalaha aan Hargeysa u joogno waxa ka mid ah in Ciidamadan dhawaan la qaramyn doono kana mid noqon donaan Ciidanka Qaranka Somaliland.”

Cabdirisaaq Awaare ayaa sidoo kale ka hadlay sida ay u taageersan yihiin Xukumaddooda Somaliland iyo madaxda Xukuumadda kaga jirta Bariga gobolka Sanaag isagoo ka hadlaya arrimahaasna waxa uu yidhi; “Beelaha dega deegaannada Bariga gobolka Sanaag gaar ahaan Beesha Gaashaan-buur, waxaannu dhanbaal taageero ah u dirayanaa Wasiirka Gaashaandhigga iyo Difaaca Jamahuuriyadda Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, waxa kale oo aanu taageero la garab-taagannahay Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxwayne Axmed-Siilaanyo kuna tageersannahay inuu mar labaad isu-soo sharxo Madaxwayne-nimada Somaliland.”

Maxamed Bashiir Nuur Giriig

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.