Jamaal oo is-barbar-dhig ku sameeyey heerka caddaalad-darrada Somaliland ee 2014 iyo tii 1982

Hargeysa(Aftahannews):- Musharraxa u taagan jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa is-barbar-dhig ku sameeyey heerka caddaaladda-darrada maanta oo ay taariikhdu tahay 2014 ka taagan Somaliland iyo heerka caddaalad-xumadii ay dhalinyaradii UFO ee curiyey halgankii dhulka Somaliland lagu xoreeyey ay ka dhiidhiyeen ee ay dhagax-tuurka ka bilaabeen Hargeysa.

Jamaal Cali Xuseen, waxa uu ka digay cawaaqib-xumada ka dhalan karta Caddaalad-darrada, cabbudhinta, xadhigga, cago-juglaynta iyo tacaddiyada dhinaca sharciga ee ay dawladdu ku hayso qaybaha bulshada, gaar ahaan Warbaahinta madaxa-bannaan ee Somaliland ka shaqaysa oo uu ugu dambeeyey Guddoomiyaha Warbaahinta Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe oo Xukuumadda Siilaanyo u xidhan, isla markaana saaka la soo gebo-gabeeyey dhegaysiga dacwaddiisa isagoo Qareennadiisu dibedda ka joogeen hoolka dacwadda lagu dhegaysanayey oo aanay cidi difaacaynin.

haatuf1-300x202

Jamaal Cali Xuseen oo ka qayb-galay dhegeysiga Dacwad lagu oogayo Mulkilaha Wargeyska xayiran ee Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe, ayaa sheegay inuu maanta dib u xasuustay caddaalad-darradii lagu sameeyay dhalinyaradii xukunkoodu u sababta noqday Dhagax-tuurka Dhalinyaradii UFFO ay kala horyimaaddeen dawladdii Maxamed Siyaad Barre sannadkii 1982-kii.

Waxa uu sheegay inuu ka mid ahaa Ardaydii Maxkamadda Gobolka dibad-baxa dhagax tuurka ah ka bilaabay markii la xukumay aqoonyahanadii Dhalinayarada ee dawladdii milateriga ahayd xidh-xidhay.

“Maanta Yuusuf Cabdi Gaboobe waxa lagu sameeyay Aargoosi aad u fool xun oo aannan filayn inay wax la mid ahi  dalka ka dhacaan, waxa lagu sameeyay aargoosi qabyaaladaysan waliba, waxa lagu sameeyay hanjabaad iyo cago juglayn, waxa lagu sameeyay wax iila muuqday Caddaalad-darro Aabbaheed.” sidaa ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.

Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Mr. Jamaal waxa uu intaas ku sii daray oo yidhi; “Waxaasoo kalena waa wax  ka xun wixii 82-kii Dhalinyaradii UFFO markii Maxkamadda la horkeenay aannu ka mudaharaadnay ee laga dagaalamay, waana ayaan daro in dib loogu noqdo., waanan ka dagaalamaynaa arrintaa maanta dhacaysa, waanu ka dagaalamaynaa.”

“Saxaafaddu Xeer bay leedahay, Xeerkaasi waa kii 2004-tii Golaha Wakiilladu ansixiyeen, waxaan weydiiyay sababta xeerkaas loogu qaadi waayay dacwada, waxay yidhaahdeen xeerka ciqaabta ayaa lagu qaadayaa. Kolkaas waxay in xeerkaas lagu qaado dacwada, laakiinse xeerkii ciqaabta ayaa lagu qaadayaa, xeerka ciqaabtana  waxa loogu talo galay arrimo kale weeye. Aniga wargeyskan Dawan ee Dawladdu leedahay, ayaa hadal aan idhi si kale u dhigay oo khalad iga galay.”

Jamaal ayaa dhinaca kale ka hadlay dhacdooyinkii uu aadka ula yaabay ee Maxkamadda gudaheeda ka dhacay intii dacwadu socotay, waxaanu yidhi; “Waxyaabaha aan aadka ula yaabay ee dhacay waxa ka mid ahaa in Nin ka mid ah Xeer-ilaaliyeyaashu Yuusuf ku yidhi cagta hoosteeda ayaa lagu gelinayaa, waa wax aad u fool xun.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.