Waa kuma Vladimirovich Putin?

Qaybtii 1-aad Qalinkii: Max’edshakir Siciid Cabdi (Shaakir) – Sanadii 1999 kii ayaa madaxwaynihii Ruushka ee waqtigaasi  Boris Yeltsin eryay rayiisal wasaarihii isagoo ku badalay sarkaalkii hore ee KGB-da Vladimir Putin. Bishii December sanadkii 1999  ayuu is casilay Yeltsina, kadibna Putin ayaa madaxwayne loo magacaabay.

Mar kale ayaa dib loo doortay  bishii April 2004. April 2005 ayuu sameeyay safar taariikhi ahaa oo uu ku tagay wadanka Yuhuuda (Israa’iil) waxay ahayd booqashadii ugu horeysay ee uu sameeyay sarkaal ka tirsan aqalka wadankaa looga taliyo ee Kremlinka. 2008 markale Putin umuu tartamin madaxwayne nimo,laakiin Raiisal wasaare ayaa loo magacaabay wax qabadyaduu soo bandhigay aawadeed.

Moe-shakir-Saed.

March 2012 kii ayaa dib loogu doortay madaxwayne. sanadkan aynu ku jirnana  waxa loo magacaabay abaal marinta caanka ah ee Nobel Peace Prize. Waxaynu si guud mar ah uga warami doonaa taariikh nololeedkii Putin siyaasad ahaan iyo isbadaladii uu la kulmayayay. laba qormo ayaynu u qaybin doonaa insha’allah.

Aynu ku bilawno: Xirfadiisii Siyaasadeed

Vladimir Vladimirovich Putin wuxuu ku dhashay  Leningrad oo ku taala koonfurta  Ruushka ee Petersburg october -7-1952 kii. halkaasi oo uu waxbarashadiisii ka bilaabay ilaa uu heer jaamacadeed ka gaadhay oo uu ka qalin Jaamacada Gobolka Leningrad sanadii 1975,wuxuu ka bilaabay shaqadii ugu horaysay  wakaalada sirdoonka Ruushka ee loo yaqaano KGB,halkaas oo uu ka noqday sarkaal. isagoo u joogi jiray inta badan Bariga Jarmalka, jagadaa wuxuu hayay  ilaa iyo 1989.

Burburkii midawgii Soofiyeeti sanadkii 1991, ayuu Putin hawl gab ka noqday KGB-dii isagoo ka gaadhay darajada Kornaylnimada,markaas ayuu dib ugu noqday Leningrad oo uu taageere u noqday siyaasi Xisbigii Anatoly Sobchak (Liberal politician) shaqaalaha (1937-2000). kadib markuu Sobchak ku guulaystay Maariynimadii Leningrad (1991), Putina wuxuu noqday madixiisa xidhiidhada dibada; sanadii 1994 ayuu noqday wakiilka koobaad ee Maayirka.

Kadib marku Sobchak guuldaraystay sanadkii 1996-kii ayuu Putin iska casilay xilkii uu u hayay ninkaas, kadibna Moosko ayuu u wareegay. 1998 ayaa Putin markale loo magacaabay wakiilka maamulka ee madaxwayne Boris Yeltsin. xilkaas oo sabab u noqday inuu dhex-mushaaxo Kirimliinka (Kremlin).

Muddo gaaban kadib Putin waxa loo magacaabay madaxa Amaanka Federaalka isagoo ahaa Kornayl hore oo haayada KGB sido kale madaxa Amaanka madaxwaynahana ah. Bishii August 1999, Yeltsin ayaa casilay Ra’iisal wasaarihiisii  xiligaa Sergey Stapashin, halka uu Putin xilkaa ku badalay oo uu Rayiisal wasaare ka dhigay.

Xiliyadii 1aad iyo 2aad ee Madaxtinimada

Bishii December 1999 ayuu Boris Yeltsin iska casilay jagadii madaxwane nimo ee uu dalka ka hayay iyadoo Putin noqday madaxwayne ku meel gaadh ah intay ay dhacayaan doorashooyinku horaanta 2000. September 2001 isagoo ka jawaabaya qaraxyadii maraykanka ka dhacay,wuxuu ku dhawaaqay aragti uu maraykanka dhagta ugu ridayo inuu taageersanyahay la dagaalanka waxay ugu yeedheen argagixisada.muddo gaaban kadib ayuu hadana ku gacansaydhay isaga  Faransiiska iyo Jarmalkuba weerarkii maraykanku ku badhtilmaameedsanayay Saddaam Xusseen hogaamiyihii   wadanka Ciraaq.

Sanadkii 2004 ayaa dib loogu doortay Putin madaxwayne . Bishii April 2005 wuxuu sameeyay booqasho taariikhi noqotay oo uu ku tagay wadanka Yuhuuda (Israaiil),isagoo kulamo la yeeshay Rayiisal wasaarihii waqtigaas ee Areil Sharon. safarkaas oo noqday kii ugu horeeyay ee ku tago hogaamiye Kirimilin ahi.

Inkasta oo ay xadidnayd hadana Putin isku muu soo istaagin jagada Madaxnimo 2008.isla sanadkaas intii lagu gudo jiray waxa la kordhiyay mudada uu kursiga fadhiyayo madaxweynuhu oo awal ahayd afar sano,halka laga dhigay lix sano. Dmitry Medvedev markii ku guulaystay tartankii doorashada ayuu Rayiisal wasaare u magacaabay Putin,isaga oo noqonaya mid kamida hogaamiyayaashii ugu waqtiga dheeraa ee dalka ruushka soo mara sida Helm oo sided sano haystay……………………

Qalinkii: Max’edshakir Siciid Cabdi (Shaakir)

http://moeshakir.blogspot.com/

Email:moeshakir@live.com

Hargeysa/Somaliland.