Ciraaq oo gurmad dhaqso ah ka dalbatay Maraykanka iyo Beesha Caalamka

Baqdaad(Aftahannews):- Madaxda dawladda waddanka Ciraaq, ayaa sheegay in beesha caalamka ay meel cidla ah kaga tageen ka dib markii ay soo weerareen dablay jihaad-doon ah oo Sunniyiinta Ciraaq ka mid ah, kuwaasoo magaalooyin ka qabsaday dawladda.

Afhayeen u hadlay Ra’iisalwasaare Nuri Al-Maliki ayaa sheegay in loo baahan yahay in Maraykanka, Europe iyo Qaramada Midoobay looga baahan yahay inay caawiyaan. Dowladda Ciraaq ayaa gooni ahaan Mareykanka uga codsatay inuu ka kaalmeeyo dhanka cirka dagaalka ay kula jirto kooxda ISIS.

Sarkaal sare oo ka tirsan milateriga Mareykanka, oo lagu magacaabo General Martin Dempsey, ayaa xaqiijiyay codsigan ay Ciraaq soo gudbisay, balse sarkaalku muusan sheegin in Mareykanka uu aqbalay codsiga laga dalbaday iyo in kale.

Madaxweyne Barack Obama ayaa weli eegaya codsiga. Obama waxa uu ka fakarayaa fursadaha milateri ee u banaan, waxa uuna la kulmayaa madaxda Congress-ka iyo golaha amniga qaranka.

Afhayeenka aqalka cad ee Mareykanka, Jay Carney, ayaa sheegay in aanay haatan jirin ciidan Ameerikaan ah oo la geyn doono dhulka Ciraaq. Waxuuna intaasi raaciyay in Maraykanku uu eegayo danihiisa ammaanka qaranka ka hor inta aanu tallaabo qaadin.

Xigasho BBCSOMALI.com.