Kulan xasaasi ah oo Madaxweynaha Somaliland iyo Masuul ka socda Ingiriiska ku dhex-maray Hargeyssa

Hargeysa(Aftahannews):- Kulan xasaasi ah oo qodobbo kala duwan lagaga hadlay ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Xafiiskiisa magaalada Hargeysa ku dhex-maray Safiir ka socda dawladda Ingiriiska oo Somaliland u yimi inay ka wadahadlaan arrimo ay ka mid yihiin dejinta xaaladda Taleex iyo muranka Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland gelinayo xuduudaha Somaliland iyo Soomaaliya oo uu Ingiriiska laftiisu jeexay.

MADAXWEYNE SIILAANYO OO LA KULMAY Chris Allenee

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha Somaliland iyo Ku-xigeenka Safiirka dawladda Ingiriiska u fadhiya Itoobiya Chris Allenee, waxa labadoodaba ku weheliyey Masuuliyiin kala metelayay labada dhinac oo kala ahaa xubno Weftiga uu hoggaaminayo ka mid ah, iyo Wasiirrada Gaashaandhigga, Madaxtooyada, arrimaha dibedda iyo xubno kale oo Madaxweyne Siilaanyo geestiisa ku weheliyey kulankaas oo xasaasi ahaa, aadna loogaga wadahadlay xaaladaha ka taagan deegaannada Taleex iyo goobaha lagu dagaallamay maalmo ka hor ee gobolka Sool.

Safiir Ku-xigeenka Safaaradda Ingiriisku ku leeyahay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya Mr. Chris Allenee, ayaa kulanka ay wada-yeesheen Madaxweynaha Somaliland ka dib, waxay Shir Jaraa’id oo wada-jir ah ku wada-qabteen Madaxtooyada Wasiirka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Dr. Maxamed Biixi Yoonis, kaasoo ay faahfaahin kaga bixiyeen waxyaabaha ay Somaliland iyo Britain kaga wadahadleen kulanka ay Hargeysa ku wadayeesheen maanta.

IMG_0068

Haddaba, halkan hoose ee AFTAHANNEWS AND RADIO ka dhegayso Codka hadalka Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland iyo Ku-xigeenka Safiirka Safaaradda Ingiriiska ee Itoobiya ay ka jeediyeen Shirkaas Jaraa’id oo dhammaystiran, arrimo badanna ay kaga hadleen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.