Ergaygii Midawga Afrika ee Soomaaliya oo isu casilay faro-gelin hadhaysay

Addis Ababa(Aftahannews):- Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya Maxamed Saalax Anaadiif, ayaa xilka iska casilay, ka dib markii uu muran soo dhex-galay isaga iyo qaar ka mid ah dalalka ay ciidammadu kaga sugan yihiin Soomaaliya.

2014214635279562352060205Danjire_Anaadiif_AU_Envoy_Somalia

Is-casilaaddiisa ayaa la sheegay inay salka ku hayso qorshe uu doonayay inuu kaga saaro magaalada Kismaayo ciidamada Kenya ka socda ee ka tirsan AMSIOM oo ay hore uga cabatay dowladda Soomaaliya si loogu beddelo kuwo ka socda ciidammada Jabuuti iyo Burundi.

Danjire Anadiif ayaa la sheegay inuu qoraalka iscasilaaddiisa toddobaadkii hore u gudbiyay Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika lagana oggolaaday, iyadoo la filayo inuu kaga dhawaaqo is-casilaaddiisa munaasabad maanta ka dhacaysa Muqdisho.

Anadiif oo 58-jir ah ayaa kasoo jeeda dalka Jaad (Chad), isagoo sannadkii 2012-kii xilka kala wareegay Ergaygii ka horreeyay ee Abuubakar Diarra, isagoo xilal kala duwan kasoo qabtay dalkiisa, kuwaasoo uu ka mid yahay xilka Wasiirka arrimaha dibedda ee Chad oo uu hayay sannadihii u dhexeeyay 1997 illaa 2003-dii.

Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu qaato Wakiil urur caalami ah uu u soo magacaabay Soomaaliya, waxaana Danjire Anadiif uu ahaa Madaxa guud ee AMISOM iyo Ergayga Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Wakiilku wuxuu dhawaanahan ka hadlayay howlgallada lagaga horjeedo Al-shabaab iyo qorshayaasha uu calaamku ku doonayo inuu ku horumariyo Soomaaliya kaddib 23-sano oo colaado sokeeye ah, isagoo dhawaan dalbaday in caalamku uu gacan ka siiyo Puntland dib u dhiska deegaannadeeda.

Danjire Maxamed Saalax Aanaadiif ayaa ka mid ah shaqaalaha Midowga Afrika, isagoo ku hadla luuqadaha Carabiga iyo Faransiiska, kuwaasoo inta badan uu ku qaban jiray shirarka jaraa’id.

Dawladdaha Itoobiya iyo Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka safka hore loogu yeedho ee la jaarka ah Soomaaliya, waxaana jira dhaqdhaqaaqyo dublamaasiyadeed oo ay dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kiiniya ka leeyihiin Somaliya, kaasoo u muuqda mashruuc wajiyo badan leh, isaguna uu ka gudan kari waayay waajibaadkiisa shaqo, ka dib markii ay ka deyn waayeen faro-gelin joogta ah oo ay ku hayeen, kuna doonayaan inaanay Soomaaliya weligeed xasilin, aakhirkana ay qaybsadaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.