Kenya iyo Soomaaliya oo heshiis ka gaadhay soo afjaridda dhibaatada lagu hayo Soomaalida dalkaas

Muqdisho(Aftahannews):- Raysal-wasaaraha Soomaaliya, ayaa kulan la yeeshay Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya, isla markaana wadahadal dheer ka dib waxay heshiisk ku gaadheen in xal loo helo dhibaatooyinka iyo tacaddiyada ay Ciidammada Kenya kula kacaan qaxoontiga iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee waddankeeda ku sugan.

IMG_6146

Waxa Warkaas lagu faahfaahiyey War-Saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiwali Sheekh Axmed, kaasoo lagu sheegay in Cabdiwali Madaxweyne Ku-xigeenka Kenya William Rutto arrimaha qaxoontiga, ganacsatada iyo ammaanka. Qoraalka War-Saxaaafadeedkaas oo nuqul ka mid ah uu helay Xafiiska Aftahannews ee magaalada Muqdisho waxa uu u qornaa sidan:-

“Warsaxaafadeed, 18/6/2014– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed oo magaaladda Nairobi ee dalka Kenya u jooga ka qayb-galka kulanka 99-aad ee dalalka ku bohoobay African, Caribbean and Pacific Group of States , laguna soo gaabiyo (ACP) ayaa magaaladda Nairobi kulan dheer kula qaatay Madaxweyne ku-xigeenka dalka Kenya Mudane William Rutto iyagoo ka wada hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya, amaanka labada dal iyo arrimaha qaxootiga.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa u muujiyay dawladda Kenya dareenka ay dawladdiisu ka qatbo xaaladda qaxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan Kenya iyo dhibaatooyinka soo gaaray shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed xilliyadda ay jiraan howlgaladda dhanka amaanka ah ee ciidamaddu ay ka fuliyaan goobaha ay ku badan yihiin dadka Soomaaliyeed.

“Labada dawladood waxaa ay isku raaceen in dhowaan lagu qabto magaaladda Muqdisho ama Nairobi shir looga hadlayo  hirgalinta heshiiskii sadex-geesoodka ahaa ee la xiriiray arrimaha qaxootiga Soomaalida , kaas oo dhigayay dib-u-celinta qaxootiga aan loo marin in si khasab ah aan loogu celin, qaxootiga la celinayana la tixgaliyo rabitaankooda ah in ay dalkooda ku noqdaan, labada dal waxaa ay iska kaashan doonaa in dib-u-celinta qaxootiga iyadoo loo marayo hab nidaamsan, waxaana lagu wada shaqaynayaa qodobada heshiiskaas .” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay dawladda Kenya kaalinta ay kaga jirto xasiloonida Soomaaliya iyo guulaha ay ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM oo wada jira ay ka gaareen howlgaladda lagu baacsanayo Al-Shabaab.

Ra’iiusl Wasaaraha iyo Madaxweyne ku-xigeenka ayaa isku afgartay in khatarta argagixisadu ay tahay mid guud ahaan caalamka ka jirta, labada dawladoodna ay iska kaashanayaan sidii looga guulaysan lahaa, dhanka kale uu Ra’iisul Wasaaruhu u gubiyay madaxda Kenya in uu la wadaagayo weerarkii lagu qaaday deegaanka Mpekatoni ee xeebta Lamu.

Ugu danbayntii waxaa labada dhinac ay ka wada hadleen howlgalinta safaaradda Kenya ee Soomaaliya oo la filayo in dhowaan ay ka shaqo bilawdo Muqdisho iyo dib-u-howlgalinta guddiga labada dal ee loo yaqaano (JCC) oo ka shaqayn doona dhaqaalaha, maaliyadda, maalgashiga, kaabayaasha dhaqaalaha iyo tayaynta hay’adaha dawladda oo la iska kaashan doono.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.