Heshiis xambaarsan qodobbo muhiim ah oo dhex-maray Somaliland iyo Midawga Yurub

Hargeysa(Aftahannews):- Dawladda Somaliland iyo Ururka Midawga Yurub, ayaa kala saxeexday heshiis dhawr qodob ka kooban oo ku saabsan iskaashi dhinaca Xeebaha, in Ciidammada Somaliland la wareegaan Xeebaha dalkooda marka la gaadho 2016-ka iyo waxyaabo kale.

MIDAWGA YURUB IYO SOMALILAND OO HESHIIS GALAY

Somaliland oo hore ugu jirtay heshiisyo la xidhiidha la-dagaallanka Budhcad-badeedda iyo Argagixisada, ayaa heshiiskan ay caawa ku kala saxeexdeen Huteelka Ambassator ee magaalada Hargeysa waxa uu u muuqdaa mid wax wayn u ah dalka, isla markaana hore u marin kara Ciidamada ilaalada Xeebaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Munaasibad lagu saxeexay heshiiska dhawrka qodob ka kooban ayay isugu yimaaddeen Masuuliyiin ka kala socday dawladda Somaliland iyo Midawga Yurub, ayaa lagu qabtay Huteel Ambassador ee magaalada Hargeysa, kaasoo ay labada dhinac ku kala sexeexdeen.

Dhinaca Somaliland waxaa heshiiskaas u saxeexay Wasiirka arrimaha dibedda iyo xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Maxaed Biixi Yoonis, halka geesta kalena uu u saxeexay Madaxda Midawga Yurub u qaabbilsan Bariga Afrika oo fadhigiisu yahay magaalada Jabuuti ee xarunta Jamhuuriyadda Jabuuti.

Qodobada Heshiiskaasi ka kooban yahay oo Warbaahinta loo soo bandhigay waxa ka mid ah:

1-       In Midowga Yurub taageero rasmi ah siiyo dib u dhiska iyo horumarinta Ciidanka Xeebaha Somaliland.

2-       In marka la gaadho sanadka 2016-ka Ciidanka Xeebaha Somaliland si rasmiya ula wareegaan ammaanka Xeebaha dalkooda.

Waxa kale oo heshiiskan lagu xusay inay Midowga Yurub gacan geysto horumarinta la doonayo in lagu sameeyo Jaamacadda Culuunta Badda ee magaalada Berbera, si aqoonta Ciidanka Xeebaha kor loogu qaado iyo in laga taageero tabobbaro dibedeen inay helaan.

Somaliland oo leh Xeeb dheer oo Khayraad badan, ayaa hore heshiis ugula jirtay Qaramada Midoobay iyo Midawga Yurub, kuwaasoo ku saabsanaa la-dagaallanka Budhcad-badeedda iyo in Xabsiyada Somaliland gaar ahaan Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa loo soo wareejin karo Maxaabiista Soomaalida ah ee falalka Budhcad-badeednimo ugu xidhan dalalka dibedda haddii ay dalbadaan.

Waxaana Xabsiga dhexe ee Hargeysa ku xidhan Maxaabiis Budhcad-badeednimo ugu xidhnaa dalal dibedeed oo uu ka mid yahay dalka Siishalis oo ay Maxkamadda dalkaasi ku xukuntay xadhig dheer. Iyada oo ay jiraan Maxaabiis ay Somaliland sheegtay inay yihiin Budhcad-badeed ay Ciidammada ilaalada Xeebaha Somaliland Badda ku qabteen oo ay Maxkamadaha Somaliland ku rideen xukunno kala duwan oo iyaguna weli qaarkood ku xidhan yihiin Xabsiyada magaalooyinka dalka.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.