Ingiriiska oo sheegay inuu Somaliland la galay heshiis dhigaya inuu dadkeeda ku mastaafurin karo qasab

“Heshiiskaasi wuxuu dhaqan-galay maalintii la saxeexay, noociisuna waa mid khasab ah oo…” – Mr. Jeremy Wright, Wasiir ku-xigeenka Cadaaladda Ingiriiska

London(Aftahannews):- Dawladda Ingiriiska, ayaa shaacisay dhaqan-gelka heshiis ay la galeen Xukuumadda Somaliland oo ku saabsan is-dhaafsiga Maxaabiista oo horaantii sannadkan labada geesood si wada-jir ah u kala saxeexdeen.

Jeremy-Wright-MP_2

Heshiiska dhinaca maxaabiista ee dhexmaray Xukuumadaha Somaliland iyo Ingiriiska, waxa bar-bar socda qorshe is-afgarad oo labada waddan iskula qaateen in muwaadiniinta Somaliland ee ku nool dalka Ingiriiska balse aan ku guulaysan inay wax deggenaansho sharci ah ka helaan, ay six or ah dalkooda ugu soo  laaban karaan.

Jeremy Wright MP_2Wasiir ku-xigeenka Cadaalada Ingiriiska Jeremy Wright oo warbixin la xidhiidha masuuliyaddiisa ka jeedinayey baarlamaanka dalkaas, ayaa nooca heshiiskan dhexmaray Somaliland ku soo hadal-qaaday su’aal laga weydiiyey heshiisyada is-dhaafsiga maxaabiista ee xukuumaddiisu wixii ka dambeeyey May, 2010 la gashay waddamada dibadda.

khan

khanXildhibaan Sadiq Khan oo ka tirsan Mudaneyaasha Xisbiga Shaqaalaha ugu jira Baarlamaanka dalkaas, ayaa fadhi ay Isniintii todobaadkan yeesheen, waxa uu ku weydiiyey wasiir Jeremy su’aal nuxurkeedu ahaa Haddii uu jiro heshiis is-dhaafsi maxaabiista ah oo dawladdoodu la saxeexatay waddamo kale iyo inta dhaqan-gashay mudadii ka dambaysay bishii May ee sannadkii 2010-kii

Jeremy Wright oo ah xildhibaan Baarlamaanka ugu jira Xisbiga talada Ingiriiska haya ee Concervative, isla markaan aah wasiir ku-xigeenka dhinaca Xabsiyada ee Wasaaradda Cadaaladda, ayaa isaga oo su’aasha xildhibaanka ka jawaabayey, waxa uu sheegay in ay xukuumad ahaan heshiisyo arrimahaas la xidhiidha la galeen waddamo ay ka mid yihiin  Albaaniya, Sucuudiga, Nayjeeriya, Somaliland iyo Imaaraadka Carabta.

Waddamada Somaliland ku jirto ee dawladda Ingiriisku la saxeexatay heshiis maxaabiis is-dhaafsi, ayaa dhammaantood ah dalal jiritaankooda laga aqoonsan yahay beesha caalamka isla markaana kuraasi ku leh Goleyaasha looga arrimo dunida.

Wasiir ku-xigeena Cadaalada Ingiriiska waxa uu sheegay in Ingiriiska iyo Somaliland kala saxeexdeen qoraal is-faham oo ku saabsan is-dhaafsiga maxaabiista.

Inkasta oo masuulka u hadlay xukuumada Ingiriisku aanu soo hadal-qaadin cidda u saxeexday heshiis ee labada dawladood dhexmaray, balse waxa uu caddeeyey inuu si rasmi ah u dhaqan-gelay heshiisku. “heshiiskaasi wuxuu dhaqan galay maalintii la saxeexay, noociisuna waa mid khasab ah oo maxaabiista aan waxba la weydiinayn,” ayuu yidhi Mr Jeremy.

Hadalka xukuumadda Ingiriiska ku shaacisay heshiiska qarsoon ee dhexmaray labada dal, ayaa sidoo kale bar-bar socda wasiirka Dib-u-dejinta Somaliland oo bilo ka hor socdaal uu kaga soo laabtay dalka Ingiriiska ku sheegay in dadka magangelyo-doonka qaxootinimada looga ogolaan waayo ee Somaliland u dhashay ay codsan karaan in dalkooda dib loogu soo celiyo.

Dhinaca Xukuumadda Somaliland oo aanu la xidhiidhnay masuuliyiinta dawladda qaarkood si aanu wax xuga weydiinno jiritaanka heshiiska dawladda Ingiriisku shaacisay, balse nooma suurto-galin inaanu wax jawaab ah ka helno masuuliyiinta ay arrintani khusayso oo telefoonnadoodu xidhnaayeen, halka qaarkood telefoonnadooda oo aanu garaacnay, ay nooga jawaabi waayeen.

Heshiisyada noocan ah ee lagu saleeyey sharciyadda la xidhiidha dunuubta ay galaan shakhsiyaadka u dhashay Somaliland ee ku nool dalka Ingiriiska, ayaa saamaxaya in si dhib yar la soo mastaafuriyo qof kasta oo kiis-dambiyeed uu ka geysto gudaha Ingiriiska, halka sidoo kale shakhsiyaadka dambiyada ka gala dawladda Ingiriiska ee Somaliland gacanteeda ku jira lagu wareejin karo haddii uu jiro cod dawladda Britain ku dalbato in loo gacan-geliyo.

Xigasho Wargeyska Himilo.

Hargeysa/Somaliland.