Maamulka Jubaland oo heshiis la galay Shirkad laga leeyahay Imaaraadka Carabta

Kismaayo(Aftahannews):- Xubno Ganacsato ka socotay Shirkad ganacsi oo lagu magacaabo MSC Line taasoo  laga leeyahay dalka isu tagga imaaraadka carabta oo shalay soo gaaray magaalada Kismaayo, ayaa heshiis ganacsi la saxiixday masuuliyiinta maamulka Jubba, iyadoo shirkadani ay sheegtay in ay dhawaan ka  shaqo bilaabi doonto.

Ganacsatadan ayaa gudaha xarunta madaxtooyada Kismaayo kulan kula qaatay madaxweeyne ku xigeenka labaad ee maamulka Jubba Mudane C/qaadir Max’ed Lugadheere iyo wasiirro ka tirsan maamulkiisa, iyadoo shirkadani ganacsi ay sheegtay in ay si rasmi ah uga shaqo bilaabi doonto gobollada Jubooyinka bisha Agoosto, ee fooda nagu soo heeysa.

Wasiirka warfaafinta gaadiidka, boostada iyo isgaarsiinta Mudane Ibraahim Axmed Baajuun oo ugu horeyn saxaafadda la hadlay ayaa uga mahadceliyay shirkaddan ganacsi howlaha ay qorsheeyneeyso in ay ka bilowdo gobollada Jubooyinka, isagoo sheegay in ay guul ugu soo dhamaadeen heshiisyadii ay kala saxiixdeen maamulka iyo shirkadani ganacsi.

Gudoomiyaha rugta ganacsiga Jubooyinka Shaafi Raabi Kaahin oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in hadda wixii ka danbeeyo ay meesha ka bixi doonto xilliga badxiranka ee Jubooyinka looga yaqaan “Xilliga kuusiga”, islamarkaana ay shirkadani ka caawin doonto in ay soo dekedda kusoo xirtaan maraakiib ganacsi oo waaweyn.

Shariif Axmed oo isna katirsan shirkadda ganacsiga ee MSC ee laga leeyahay dalka Imaaraadka ayaa sheegay in shirkadooda ay si rasmi ah u shaqo bilaabi doonto bisha Agoosto ee sanadkan, isagoo uga mahadceliyay masuuliyinta maamulka Jubba soo dhaweynta ay u fidiyeen.

Dhawaan ayay ahayd markii maamulka Jubba uu shaaciyay in ay furantahay xaruntii hore ee Terminalka ee lagu keeydin jiray Kunteenarada iyo shixnadaha kasoo dega dekedda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo, taasoo howlgab ahayd mudo ka badan 23 sano.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.