Guddiga Horumarinta Sacad Muuse oo ka soo laabtay bilowga Kormeerka Deegaannada Beeshaas

Hargeysa(Aftahannews):- Guddida Horumarinta ee beelaha Hoodaale, ayaa soo gunaanaday wejiga koowaad ee kormeerka ay ku gaalaa bixinayaan deegaanada beeshaasi degto, si loogu kuur galo xaaladda dhabta ah ee deegaanadaasi ka jirta, si markaa ka dib looga tashado horumarintooda.

Guddida horumarinta beelaha Hoodaale, ayaa socdaal ku gaalaa bixiyey isla-markaana u kuur-galay xaaladaha nololeed ee dadka dhulkaasi ku dhaqan, sida caafimaadka, waxbarashada, horumarinta biyaha iyo adeegyada bulshada ee aasaasiga ah, ayaa soo dhaweyn kala kulmay guud ahaan deeganada ay soo mareen.

Guddida, ayaa socdaalkooda ku soo maray deegaanada kala ah, Daarasalaam, Agabar, Bulaxaar, Bali-cabbane, Farawayne, Allaybaday, Geed-balaad, Wajaale iyo dhammaan tuulooyinka hoos yimaadda 8-daa degmo.

Guddida, ayaa mudadii ay deegaanadaasi marayeen xog wareysi la yeelanayey dadka deegaanadaasi ku dhaqan, si wax looga ogaan karo baahiyahooda u baahan in gacmaha la isku qabsado sidii wax looga qaban lahaa. Guddida Horumarinta Beelaha Sacad Muuse Oo Ka Soo Laabtay Bilowga Kormeerka Deegaamada Beeshaasi

Xubnaha Guddida horumarinta beelaha Hoodaale oo ku soo laabtay Magaalada Hargeysa, iyaga dadweynihii deegaanada ay soo mareen oo dhan ka soo ururiyey xogta ku saabsan xaaladdooda iyo baahiyaha u baahan in wax laga qabto, ayaa qorshahoodu yahay inay mar labaad deegaanadaasi soo maraan, iyaga oo ka shaqeynaya, kuna dedaalaya horumarinta deegaanadaasi.

Guddida oo isugu jira Madax-dhaqameed, ganacsato iyo aqoonyahan, ayaa lagu doortay shirkii HOODAALE ee ka dhacay deegaanka Agabar, waxaana xubnahan loo xulay inay ka shaqeeyaan horumarinta deegaanada beesha guud ahaan, waxaana muuqanaysa inay doonayaan inay hirgaliyaan oo ay ka midho dhaliyaan wixii loo igmaday.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.