Magacyada Muwaaddiniin ku naf-waayey Shil ay ku galeen soodhawe -ynta C/Raxmaan-Cirro

Hargeysa(Aftahannews):- Laba Ruux ayaa ku geeriyooday shan qof oo kalena way ku dhaawacmeen Shil Gaadhi oo ku yimi Taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo ka qayb-qaadanayey soo dhawayn maanta loo samaynayey Guddoomiyaha Xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo booqanayey Burco, ka dib markii uu saaka ka amba-baxay Hargeysa.

Gaadhiga Khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca keenay oo noociisu ahaa Baabuurta Noohada loo yaqaanno sida la sheegay, ayaa qalliibmay ama dhacay isagoo maraya Waqooyiga-galbeed ee magaalada Burco oo Taageerayaashu kaga hor-yimaaddeen Guddoomiyaha WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo ay soo dhawaynayeen.

Allaah ha u naxariistee Magacyada Labada Marxuum ee ku dhaawacmay Shilkaas Baabuur ayaa kala ahaa Marxuum Jaamac Xasan Ceerigaabo iyo Marxuum Yuusuf Maxamed Diiriye. Kuwaasoo Meydkooda loo qaaday dhinaca magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer si halkaas loogu aaso.

Magacyada Dadka ku dhaawacmay Shilkaas Baabuur ayaa iyaguna waxay kala ahaayeen sidan:

1- Sidiiq Xirsi Cismaan

2- Sulaymaan Jaamac Xayd

3- Qadaro Axmed Abokor

4- Axmed Ciise Madar

5- Cabdiraxmaan Muuse.

Tacsi Qoraal ah oo ka soo baxday xarunta dhexe ee Xisbiga WADDANI ku leeyahay magaalada Hargeysa oo khasaarahaas lagaga hadlay oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews, ayaa qoraalkeedu u dhignaa sidan:-

“Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, dhammaan Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo Taageerayaasha Xisbiga WADDANI waxay iyagoo ka tiiraanaysan tacasi u diryaan Xaasaskii, Carruurtii, Eheledii iyo Qaraabadii ay ka baxeen labada Marxuun ee Marxuum  Jamac Xuseen Ceerigaabo iyo Marxuum Yusuf Maxamed Diiriye oo ku geeriyooda Shil baabuur oo maanta ka dhacay magaalada Burco, Marxuumintaas oo ka mid ahaa Weftigii soo dhaweyay Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan-Cirro, kuwaasoo ka soo baxay magaalada Burco.

Waxaannu Eebbe uga baryayna inu Jannadii Fardowsa ka waraabiyo, dhammaanteenna Samir iyo Iimaan innaga siiyo, inta ku dhaawacantay Illaahay waxaannu uga baryaynaa in uu siiyo caafimaad sareecana.” Sidaa ayaa lagu yidhi qoraalka Tacsida ah ee uu soo saaray Xisbiga WADDANI.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.