Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay Qarax ka dhacay Cusbitaalka Keysaney ee Muqdisho

Muqdisho(Aftahannews):- Ugu yaraan hal ruux ayaa lagu soo warramayaa inuu ku geeriyooday, siddee qof oo kalena ku dhaawacmeen qarax lagu weeraray Cusbitaalka Keysaney oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, kaasoo la aamminsan yahay inay Kooxda Al-Shabaab ku qaadday goobtaas Caafimaad.

Isbitaalka_Keysaney_Muqdisho_FP

Qaraxaas ayaa ka dhacay gaadhi ay wateen Dhakhaatiirta Cusbitaalkaas oo yaallay kidinka ama albaabka hore ee Cusbitaalka laga galo, kaasoo dhacay wakhti ay doonayeen Dhakhaatiir ka shaqeeya Cusbitaalkaas.

Dhakhtarka dhintay ayaa magiciisa lagu sheegay Mahad Cabdixafiid, waxaana ku dhaawacmay Dr. Cabdiqaadir Xuseen Jimcaale oo ka mid ahaa Dhakhaatiirta ka howlgala Cusbitaalkaas iyo toddoba qof oo kale oo ay ku jiraan dad halkaas u tagay inay ehelladooda oo Cusbitaalka ku jira ay booqdaan.

Taliyaha Saldhigga degmada Kaaraan Bocor oo Warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay inuu qaraxaasi ahaa mid lagu soo xidhay Gaadhi la soo buuxiyey walxaha qarxa, isla markaana uu si lama filaan ah u qarxay. Taliyuhu wuxu intaas ku daray inay Ciidan Boolis ahaan baadhayaan sidii uu u dhacay qaraxaasi iyo cidda ka dambaysay. Waxa uu intaas ku daray inay baadhitaan ku sameeyeen Gaadhigaas oo ay lahayd Hay’adda Waaxda Miinada ee loo yaqaan Mine Action oo Qaramada Midoobay hoostagta.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay inay ka dambeyso weerarkaas, waxaase uu ku soo beegmayaa iyadoo Hay’adaha amniga dowladda ay sheegeen inay sugayaan ammaanka guud ee magaalada Muqdisho.

Cusbitaalka Kaysaney ayaa ku yaalla duleedka Waqooyi ee magaalada Muqdisho, iyadoo qaraxan uu noqoayo kii ugu horreeyay ee Cusbitaalkaas ka dhaca, iyadoo la sheegay in Dhakhtarka dhintay uu sidoo kale ahaa Macallin Bare ka ah Jaamacadda Soomaaliya ee Muqdisho.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com                                                 

Muqdisho/Soomaaliya/Office.