Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo Xadhig iyo tacadi joogta ah ku haya Qoys Danyar ah

Hargeysa(Aftahannews.com)- Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa lagu eeddeeyay inuu tacadi u geystay Qoys danyar ah oo deris ah guriga uu degenyahay uu ka Magaalada Hargeysa oo ku yaalla Xaafadda shacabka.

Cabdiraxmaan Cabdilaahi ismaaciil Saylici oo dhawaan Guri Fooq ah looga dhisay ka soo horjeedka xarunta Dambi baadhista ee Magaalada Hargeysa, ayaa qoys degen meel ku qabsan Guriga uu degenyahay, ka cawdeen  dhibaatooyin xadhig iyo hadidaad isugu jira oo uu kula kacay intii uu guriga cusub u soo guuray.

Qoyskan oo ah maato ay ka masuul tahay, Hooyo haysata ubad yar yar, ayaa waxa dhisme jiingaddo ka samaysani uga dhisanyahay Dhul  dacalka Koonfur kaga qabsan Guriga qasriga ah ee Madaxweyne ku-xigeenka, waxaana laba jeer uu xidhay Haweenayda qoyskan ka masuulka ah.

 “laba jeer ayuu I xidhay intii uu Guriga soo degay, waxay naga dumiyeen qol Jaajuur ah oo halkan nooga dhisnaa, hadii aanu Albaab is nidhaahno samaysta Maanta sanqadh yar markay maqlaan ayuu odhanayaa naga daaya Garaaca, hadii kale waan ku xidhayaa”sidaasi waxa Warbaahinta u sheegtay Ayaan Juujuule oo ah Hooyada qoyskan ka masuulka ah.

Ayaan oo sii hadlaysa ayaa tidhi “labada jeer ee lay xidhay mar 17 cisho ayaan xidhnaa oo aan wax maxkamad ah lay geynin, marka labaadna  Maxkamadda ayaa iga soo daysay, markaa walaahi waxaan kala kulanay Madaxweynehayaga aanu dooranay ee aanu ehelka nahay, ee ubadkayga ay ehelka yihiin, dhibaato aad weyn oo aannu ilaa hada waxba naga odhan”.

Ayaan sheegtay inaan Madaxweynaha iyo qoyskiisu toona wax magdhow ah ka ka siinin Guriga laga dumiyay oo ahaa qol dhagax iyo dhismeyaal kale oo Jiingad ka samaysan oo iyagana sida ay sheegtay dhawr jeer laga dumiyay.

“ilaa hada wax magdhow ah igamuu siin Gurigii jaajuurka ahaa ee layga dumiyay iyo qolalkan kale ee la baabiiyay, waxaana dhacday in markii u horaysay ee lay xidhay goor subax shantii markay ahayd cagaf nalaga geliyay, dabadeed guriga oo dhan la baabiiyay anigana lay xidhay, xataa caruurta waxa iiga guray meesha dadkii jaarka ahaa”ayay tidhi.

Ayaan juujuule oo uu dhalay Sarkaal ciidanka bilayska Somaliland wakhti dheer ka tirsanaa, isla markaana sheegtay inay dhaawac u ahayd qaliin lagu sameeyay labada jeer ee la xidhay, oo aan kala fogayn siday tilmaantay, ayaa ka warantay sida ay Dhulkan ku degtay iyo waxa isu keenay Madaxweyne ku-xigeenka.

“Dhulkan waxa iska leh aabahay oo ah Sarkaal caan ah oo Bilayska Somaliland ka tirsanaa, waxa siisay dawladda oo ku wareejisay, Madaxweyne ku-xigeenku wuxuu ka iibsaday reer kale oo aannu jaar ahayn ilaa markii aanu soo degnay, kolkaa hadii madaxweynuhu meesha soo degay dee waxay ahayd hadii aanu ogolayn inaanu wada degenaano inuu naga yeelo sidii uu dadkii kale ee Dhulka ka iibiyay uu ka yeelay oo dawladdu na kala rarto, laakiinse dhibaatada joogtada ah ee nalugu hayo may ahayn inuu nagu sameeyo”.

Sawir guud oo faahfaahin ah

Qoyskani waxay degenyihiin Jiingad ku qabsan Dayrka Aqalka Madaxweyne ku-xigeenka oo wajahaddeeda hore Kolay jaadka lagu iibiyo la dhigay.

Qayb ka mid ah Jiingadu waa Dukaan yar oo sigaarka iyo baddeecadaha kale ee macmacaanka lagu iibiyo.

Askarta Illaalada gaarka ah ee Madaxweyne ku-xigeenka qaar ka mid ah ayaa soo gelgelayay Dukaanka.

Qaybta dambe ee Dhulka ay degenyihiin, waxa ka dhisan Jiingad kale, waxaana halkaa ka muuqda bur-burka guriga Jaajuurka ka sameysan ee ay sheegtay gabadhu in laga dumiyay, qaybaha kale ee Jiingadaha meesha ka dhisan waxa ka muuqday raadad muujinaya in dib laysugu kar karay.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo ah Masuulka labaad ee waaxda fulinta ee Qaranka, ayaanay noo suurto gelin inaanu helno si aanu cabashadan naxdinta xambaarsan wax uga waydiino,waxaana xafiiskiisu ku yaala Madaxtooyada sida loo galaa ay marka horeba adagtahay.

Hase ahaatee waxyeelada iyo handidaada qoyskan maatada ahi tirsanayo, ayaa ah mid meel ka dhac ku ah Xuquuqda aadamaha, isla markaana noqonaysa cabasho heerkan gaadhsiisan oo si gaar ah looga tirsanayo Masuul qaran oo Mansab culus haya.

Si kastaba ha ahaatee dhawaaqa ka soo baxay qoyskan ee tabashada ah  ayaa loo baahanyahay in Eng, Saylici si dhakhso ah wax uga qabto, isla markaana uu iska basriyo Maatada hooa=s degen Guriga uu seexdo ee dhowrka dabaq iyo ganjeelka wayn ka kooban.

Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)

Email: editor@gobanimonews.com

Gobanimonews Egency.