Askari Booliska ka tirsan oo Afar qof oo laba Shacab yihiin ku dhaawacay Badhtamaha Hargeysa

Hargeysa(Aftahannews):- Askari ka tirsan Booliska Somaliland, ayaa Rasaas uu riday ay ku dhaawacmeen Afar qof oo laba shacab yihiin iyo laba Askari, sida ay Aftahannews u xaqiijiyeen goob-joogayaal goobtaa ku sugnaa.

SAWIRKA MARKII RAAASTU KA DHACDAY BAANKA JEWIGU AHAA

Dhacdadan ayaa ka dhacday saaka Badhtamaha Suuqa magaalada Hargeysa gaar ahaan Kaalinta Shidalka ee Cajab Horteeda. Rasaasta ayaa Dad goob-joogayaal ahi Aftahannewws u xaqiijiyeen inay si aan badheedh ahayn uga dhacday, isla markaana labada Askariga ee ka midka ah afarta qof ee ku dhaawacmay ka tirsanaa dhawr Askari oo la socday isaga.

Askariga wax toogtay iyo Afar Askari oo kale oo la socday, ayaa la sheegay in gaadhi waddada si khaldan u marayey oo la sheegay in uu waddada  xidhay, ayaa Askartaasi waxay doonayeen in ay  la hadlaaan si ay oo waddada uga saaran.

Balse Askari ka mid ah ayaa la sheegay in qorigiisa oo Ammaanku Furnaa awgeed ay ka fakatay Rasaas aanu ogeyn in qoriga ay ku jirto ama dhuunta u taallo,  waxanay dhawacday labada Askari ee la socday, Darawalkii gaadhigaas waday iyo qof kale oo shacab ah. waxanu gaadhigaasi ka mid ahaa Baabuurta Shacabka ee jidka wadnaha ee Kaalinta Cajab iyo Xafiiska Suuq-geynta ee Horn Cable TV dhex-marta.

Afarta Qof ayaa Haatan lagu daweynayaa Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa, dhanka ciidamada Booliska ayaa baadhaya Sababta ka danberysay Khasaarahan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.