Maraykanka oo Goolkii ugu dhaqsaha badnaa Taariikhda ku Carraabiyey Xulka Ghana

Aftahan Sports- Weeraryahanka Clint Dempsey ayaa dhaliyey goolkii ugu degdega badnaa ee la dhaliyo taariikhda koobka aduunka , kaas oo ahaa goolkii xallay uu ka dhaliyey xulka xidigaha Madmadow ee Ghana , ciyaartu markii ay socotay 29 ilbidhiqsi oo kali ah.

Ghana 1-2 USA

Ghana 1-2 USA

Xulka qaranka Maraykanka ayaa 2-1 ugu awood sheegtay Ghana xallay , ciyaartii labaad ee Group G, kaas oo fiidnimadii hore ee xallay xulka Garmalku 4-0 ku muquuniyey Portuqal.

Andre Ayew ayaa Ghana ku soo celiyey tartanka oo ugu shubay goolkii barbar dhaca laakiin USA may noqon kuwo intaas ku istaaga , 4 daqiiqo oo kali ah markii laga joogey goolkaas ayuu laacibka bedelka ku soo gallay ee John Brooks uu shabaqa ku lulay kubad madax ahayd daqiiqadii 86 aad ee ciyaarta , kaas oo guusha u xaqiijiyey xulka tababare Klinsmann.

Ghana 1 2 USAGHANA I USAGHANA IY USAGHANA IYO USA OOGHANA IYO USAGHANA VS USA CIYAAGHANA VS USA OOGHANA VS USA XGHANA VS USA XAGHANA VS USA XALGHANA VS USA XALAGHANA VS USA XALAY CGHANA VS USA XALAYGHANA VS USA XALLAGHANA VS USA XALLAYGhana VS USA

 Xigasho Cadalool.com.