Roma(Aftahannews):- Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Gen. Cabdixakiin Daahir Siciid (Saacid) iyo Wefti uu hoggaaminayo, ayaa booqasho shaqo oo rasmi ah ku tegay waddanka Taliyaaniga oo uu marti-qaad ka helay, isla markaana kulammo la yeeshay dhiggiisa Talyaaniga iyo Saraakiisha Booliska dalkaas, kuwaasoo bilaabaya iskaashi hor leh oo dhex-mara.
Taliyaha Booliska Soomaaliya Gen. Saacid oo hoggaaminayay Wefti ka socda Ciidanka Booliiska, ayaa la kulmay shir mhiim ahna la qaatay dhigiisa dalka talyaaniga Alessandro Pansa. Shirkaas oo diiradda lagu saaray qodobbo badan oo aasaas u ah dib u soo celinta iyo xoojinta xiriirka labada ciidan u dhaxeeya oo ahaa mid soo jireen ah.
Labada dhinac ayaa kulankooda taariikhiga ah uga wadahadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay sidii Talyaaniga uu u taageri lahaa dib u dhiska iyo horumarinta Ciidamada Booliska Soomaaliyeed, kaasoo ay ku socoto dardar xooggan oo dib loogu dhisayo.
Saraakiisha ayaa si gaar ah uga wada hadlay sidii Talyaaniga uu uga taageeri lahaa ciidamada booliska Soomaaliyeed dhinacyo kala duwan oo ay ku jiraan Tababaradda, qalabeynta, gawaarida, isgaarsiinta iyo horumarinta hab farsameed iyo xirfada dhamaan waaxaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed.
Waxa sidoo wada hadalada lagu soo qaaday sidii Talyaaniga uu uga qeyb qaadan lahaa dib u soo celinta ciidamada Daraawiishta.
Taliyaha ciidanka booliska Talyaaniga ayaa balan qaaday in ay soomaaliya u dirayaan khabiiro la taliya ciidamada Booliska Soomaaliya, kuwaasoo dhinacyo kala duwan ka taageri doona ciidamada booliska Soomaaliyeed,iyaga oo la wadaagi doona khibradooda.
Gen. Saacid ayaa uga mahad-celiyey dhigiisa iyo saraakiisha booliska Talyaaniga sida qiimaha leh oo ay isaga iyo waftigiisa ugu soo dhaweyeen Talyaaniga waxana uu xusay in ay arintaas ka tarjumeyso xiriirka qotoda dheer ee ciidamada booliska labada dhinac ka dhexeyay astaana u tahay dib u curashada xiriirka labada dhinac.
aftahaninc@gmail.com
Aftahannews.com
Muqdisho/Soomaaliya/Office.