“Beesha caalamka umaannu dhaaran ee dalkayaga iyo dadkayaga ayaannu u dhaarannay” Wasiir Xirsi

“Somaliland maaha wax aannu afka uun ka sheegayno, sida qolada Puntland ee afka uun dawladnimada ka sheeganaysa ee markii ay shaqadii dadkooda ka soo bixi waayeen..” Wasiirka Madaxtooyada Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa jawaab kulul ka bixiyey eedaymo ay Masuuliyiinta Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland oo sheegay inay kala saari kari waayeen Malleeshiyada Al-Shabaab iyo Somaliland, hase-yeeshee, Xirsi waxa uu sheegay inay la dagaallamaan Al-Shabaab oo ay Jeelasha ku jiraan, balse si kale oo ay u joogi karaan iyo may ay ka joogi karaan toona jirin gudaha dalkooda.

XIRSI IYO XUBNO KALE

Wasiir Xirsi waxa uu sidaa ku sheegay mar uu gelinkii dambe ee Isniinta maanta Warbaahinta ugu warramay qolka nasashada ee garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa oo uu ka soo degay isaga iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Jabuuti ka soo laabtay, waxaanu sheegay inaanay u dhaaran Beesha Caalamka, balse ay u dhaarteen dalka iyo dadka Somaliland, dibna uga soo laaban doonin Ciidanka Qaranku Xuduudka Somaliland la wadaagto Soomaaliya.

Haddaba, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan oo hadalkiisu dhinacyo badan taabanayo ka dhegayso halkan hoose ee AFTAHANNEWS AND RADIO oo aannu idiinku soo gudbinayno codkiisa oo dhammaystiran.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.