Fannaaniinta Xiddigaha Geeska oo War-Saxaafadeed ka soo saaray Hees iyaga loo hibeeyey

Hargeysa(Aftahannews):- Fannaaniinta iyo Abwaaniinta Kooxda Xiddiga Geeska ee fadhigoodu yahay magaalada Hargeysa, ayaa si diirran ugu mahad-celiyey Abwaan Wacan Muuse Xasan oo samaysay hees dhiirrigelin, muujinta heerka Fankooda iyo halka ay gaadheen ka hadlaysa iyo labada Fannaan ee codka toolmoon ee Jooqle Shire iyo Aamina-Dhool oo ku luuqaynaya heestaas.

Waxay sidoo kale Kooxdu u mahad-celiyeen ciddii guud ahaanba ka qayb-qaadatay hirgelinta Heesta Xiddigaha geeska loo hibeeyey, Mu’laxamiin, Karaama Studio iyo guud ahaan Fannaaniinta iyo Abwaaniinta Qurbaha ku nool, waxaana sidaa lagu sheegay War-Saxaafadeed uu ku saxeexan yahay Guddoomiyaha Kooxda Xiddigaha Geeska Abwaan Xasan Dhuxul Laab-saalax, kaasoo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews waxa uu u qornaa sidan:-

  KOOXDA

XIDDIGAHA GEESKA

   

HORN STARS

 
  Head Office Hargeisa  Somaliland Xidigahageeska@gmail.ocm TELL:- 00252-63-4046327  
         

Ref/04y71                                                                                                                                                                 Date:- 16/JUNE 2014

 

WARSAXAAFADEED-

 

Fannaaniintayada iyo Abwaannada Qurbaha ku nool ee  Magaca iyo Maamuuska ku leh Bulshada Afka Somaliga ku hadasha meel ay Joogaan-ba,waxaanu si xushmad iyo qadarin leh ugaga Mahad Celinaynaa heesta ay ku maamuuseen,una soo sameeyeen Fannaaniinta Xiddigaha geeska.

Waxaanu u Aragnaa Mid Nagu dhiirigalinaysa sii Xoojinta Fanka,isku duubnida iyo isku xidhnaanta Kooxda, waxaannu qiraynaa in aydaan nagaga masuugin dareenkiinna ku aaddan Walaalihiinna Xiddigaha Geeska oo idiin haya abaal.

Mahad-Celin

01:-   Abwaan Wacan Muuse

02:-  AL-uztaad Cabdi Shire Jaamac  (Jooqle)

03:- Amino-Dhool

04:- Mulaxanka Cali Cumar-

05:-  Maxamed Karaama/

06:- Qaasim Kariim.”

Halkan hoose ka daawo Heestaas ay Kooxda Xiddigaha u samaysay Wacan Muuse oo ay ku luuqaynayaan Fannaaniinta Jooqle iyo Aamina-dhool

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.