Masuuliyiinta Golayaasha Qaranka iyo Xisbiyada Somaliland oo go’aan mida ka soo saaray Difaaca dalka

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynahah Jamhuuriyadda Somaliland, Madaxweyne Ku-xigeenka, Shirguddoonka labada Gole Baarlamaan ee Guurtida iyo Wakiillada, Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Somaliland iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda, ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Madaxtooyada Qaranka ee magaalada Hargeysa, si midaysan ugu shaaciyey in difaaca dalka dhinaca looga soo wada jeedo, ayaa maanta kulan ay isugu yimaaddeen.

IMG_0051 IMG_0041 IMG_0038 IMG_0048 IMG_0042 IMG_0037 IMG_0033 IMG_0028 IMG_0027 DSC_0029 IMG_0015 IMG_0019 IMG_0022 DSC_0009 DSC_0011 DSC_0017 DSC_0013

Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), oo khudbad kooban ka jeediyey Munaasibaddaa ay isugu wada-yimaaddaan, ayaa sheegay inaanu Qaranka Somaliland aqbali doonin faro-gelin dibedda kaga timaadda hadday tahay mid Siyaasadeed iyo hadday tahay mid Millateri toona.

Qoraalka khudbadda kooban ee uu kulankaa ka jeediyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidan:- “Maanta, kulanka aynu isugu nimi waxay ujeeddadiisa ugu weyni tahay in aynu mawqifkeenna Qaran ahaan iyo Ummad ahaanba u caddayno Beesha Caalamka iyo Cid kasta oo Danaynaysa.

Waxa jirta in ay Somaliland hore u caddaysay mawqifkeeda ku aaddan nabad ku wada noolaanshaha iyo degganaanashaha mandaqadda oo aannu aamminsannahay in ay cid walba dani ugu jirto.

Waxaannuse kor iyo hoosba u sheegaynaa in ay qaddiyadda Somaliland lama taabtaan tahay, dawlad, Xisbiyo, Barlamaan iyo shacibba in aannu heegan u nahay adkaynta nabadgelyada iyo sugidda Qaran-nimada Somaliland.

Waddamada aannu deriska nahay iyo beesha caalamka waxaannu jecelnahay in aannu nabad ku wada noolaanno, mana oggolin faro-gelin dabadeed mid siyaasadeed iyo mid Millateri toona oo dhulkayaga iyo dalkayaga qadaf ku ah.

Shacbiga Somaliland waxaan ugu baaqayaa in ay u soo wada jeedaan oo ay u midoobaan difaaca dalka iyo adkaynta nabadgelyada Qaranka. WA BILLAAHI TAWFIIQ.”

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.