Jamaal Cali Xuseen Muxuu ka yidhi Xiisadda ka taagan deegaannada gobolka Sool?

JAMAAL CALI XUSEEN

Hargeysa(Aftahannews):- Musharraxa Madaxwaynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa maanta ka hadlay qabsashada Ciidammada Somaliland ee magaalada Taleex, waxaana uu carabka ku dhuftay in xukuumada Somaliland uu qaranku u wakiishay Sugida Xuduudaha dalka balse aan loo baahnayn in dadka aynu walaalaha nahay ee deegaanadaasi dagan awood lagu maquuniyo.

JAMAAL CALI XUSEEN

Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen ayaa hadalkan ka sheegay maanta mar uu shir-jaraa’id ku qabtay Xarunta Xisbiga ee magaalada Hargeysa waxana uu tibaaxay in loo baahan yahay in lagu wajo dadaal nabadeed,is afgarad iyo Waan waan dadka aynu walaalaha nahay ee deegaanadaasi dagan.

“Arrinta Taleex annagu baaq ayaannu diraynaa waxaanan leenahay Xukuumada qaranka aya uu igmaday in ay sugto Xuduudaha Somaliland laakiin dee in ay ku darto miyir dadka walaalaheena ah ee reer Somaliland ah ee halkasi inala dagan ee Somaliland aynu wada leenahayna in aan Xoog lagu maquunin ee nabad,waan waan iyo walaal tinimo loo raadiyo ayaanu arinkaasi ugu baaqaynaa”Ayuu yidhi Aqoon yahan Jamaal Cali Xuseen

Murashaxa Xisbiga UCID Jamal Cali  Xuseen ayaa waxaa uu ugu danbayntii uu  ka hadlay oday dhaqameedyo mudooyinki danbe ay xukuumada Somaliland soo abaabulaysay ku waasi oo soo fadhiisanaayey Tv-yada dalka iyaga oo taageero u muujinaaya Musharaxnimada Madaxweyne Siilaanyo,waxana uu carabka uu ku dhuftay in ay Ceeb iyo Sharaf dhac ku tahay Somaliland in qaabkan oo kale loo dhaqmo,waxana uu sida oo kale uu tibaaxay in Madaxweyne Siilaanyo aanay odayaal la soo abaabulaa waxba u tarayn isla mar ahaantaana ay ka muuqato kalsooni darro aad u badani.
“Xukuumadu waxaa ay baryihii danbe dabada ka abaabulaysay oo ay waday salaadiin,Madax dhaqameedyo Tv-yada la soo fadhiisinaayey oo o dhanayey anaga oo reer hela waxaanu taageer sanahay Musharaxnimada Siilaanyo,waxaasi waa wax inagu ceeba sharaf dhacna inagu ah,waxana halkaasi ka muuqata kalsooni daro fara badan oo Xukuumada ka muuqata odayaal ay soo abaabusho oo ay halkaasi soo fadhiisisaana wax alaale iyo wax ay u tarayaana ma jiran”Ayuu yidhi Jamal Cali Xuseen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.