Daawo Hees Cajiib ah oo Abwaan Wacan Muuse u samaysay Kooxda Xiddigaha Geeska

London (AFN):- Daawadayaal waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Hees aad u macaan oo ay Curisay Abwaan Wacan Muuse Xasan, isla markaana ay ku luuqaynayaan Fannaaniinta Jooqle Shire iyo Aammina-Dhool, taasoo ay Abwaan Wacan u samaysay Kooxda Fanka ee Xiddiga Geeska oo ay ku dhiirrigelinayso, kuna sheegayso heerka Fankooda iyo sida ay isku-fillaashaha iyo isku-xidhnaanta u muujiyeen muddada kooban ee ay jireen iyo halka fankoodu marayo.

Haddaba, waxba yaanay falan-qayntu ila fogaan ee aan idiin kala baxo idinka iyo Heestaa ay codadka talantaalliga ah isugu dhiidhiibayaan Fannaaniinta Cabdi Shire Jooqle iyo Aamina-Dhool daawasho habboon.

 

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.