“Siyaasadda arrimaha dibedda Somaliland Cirkaas ayay maraysaa, Xadkuna..” Wasiir Maxamed Biixi

“Somaliland Xuduudo mucayin ah bay leedahay oo cid waliba taqaanno, Xuduudeheeda cidna u daba-fadhiisan mayso, Maraykanka, Midawga Yurub iyo Ingiriis-ba…” “Waxaynu nahay dalka keliya ee Jabuuti iyo Itoobiya ka ilaaliya inaanay dhibaato ka dhicin…” Wasiir Maxamed Biixi Yoonis

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaa sheegay inay siyaasadda dibedda ee Somaliland Cirkaa marayso, isla markaana waxa uu sheegay inaanay xuduudahooda geedhistooda iyo ilaalintooda iyo in Ciidankoodu joogo aanay cidna uga fasax qaadanayn oo aanay u daba-fadhiisan doonin, isla markaana ay nabadgelyadeeda ilaashanayso.

Wasiir Maxamed Biixi Yoonis oo ka soo laabtay safar uu dalal kala duwan oo dibedda ah ku soo maray, ayaa gelinkii dambe ee maanta ku soo laabtay magaalada Hargeysa ee Ccaasimadda dalka, isla markaaana markii uu ka soo degay garoonka diyaaraha Cigaal ee Hargeysa Warbaahinta ugu warramay qolka nasashada ee Madaarka, waxa uu ka warbixiyey waddamada uu soo maray, cidday wadahadleen iyo waxyaabaha ay ka wadahadleen.

Warka uu bixiyey Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Dr. Maxamed Biixi oo Muuqaal ah ka daawo halkan hoose, warbixintiisa, su’aalaha la weydiiyey iyo jawaabaha uu ka bixiyey-ba.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.