“Somaliland waa basteed waxaanay u baahan tahay in laga badbaadiyo Madaxweyneheeda” Cali-Guray

“Madaxweynihii ay ummadda Somaliland sida dumuquraaddiga ah u dooratay waxaa nasiib darro ah inaanu afartii sano ee inna dhaafay aan dalka ka telinaynin oo aan isagu Madaxweyne ka ahayn oo Awoodihii Dastuuriga ahaa ee uu isagu lahaa ay Dumar, Innamo yaryar oo uu Adeer u yahay iyo ku uu Soddog u yahay ku tagri-falayaan..”

“Maantanan lafteeda ma xukumo dalka Axmed, waayo? waan aqaannaa, waxan la samaynayana ma sameeyo, isagana ka iman mayso, laakiin Madaxweyne ayaanu ka ahayn dalka..Somaliland ma qaadi karto wax ka badan shan sano oo bilaa Madaxweyne ah…” Cali-Guray

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-guray), ayaa si adag uga hadlay xaaladda dalku marayo, isla markaana sheegay inay Somaliland tahay Basteed, una baahan tahay in laga badbaadiyo Madaxweynihii ummaddu sida dimuquraaddiga ah u dooratay oo uu sheegay inaanu isagu dalka ka talin afartii sano ee uu xilka hayay sida uu hadalka u dhigay.

Cali-guray waxa uu sidaa ku sheegay Shir Jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Hargeysa, isla marrkaana uu ku sheegay in Madaxweyne Siilaanyo Magiciisa uun dalka lagu xukumo, oo aanu isaga ka soo fulin dhaqankiisana ahayn waxyaabaha ay Xukuumaddu ku kacayso.

Halkan hoose ka daawo Muuqaalka Cali-guray oo qodobbadaas iyo kuwo kaleba kaga hadlaya Shirka Jaraa’id ee uu qabtay.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.