Switzerlan oo Daqiiqadihii Lagu Daray Guul Ka Gaadhay Ecuador

Xulka kubbadda cagta Switzerland ayaa 4 daqiiqo oo lagu daray goolkii guusha la yimid, kulankii ku dhex maray Estadio Nacional de Brasilia qaramada Switzerland iyo Ecuador oo ku dhamaaday 2-1 ay guushu ku raacday Xulka Swizz.

Switzerland 2-1 Ecuador

Ecuador ayaa hogaanka kulanka qabatay daqiiqadii 22 aad ee ciyaarta kadib markii uu gool u dhaliyey ciyaaryahanka  Enner Valencia qaybtii horena waxaa lagu kala nastay 1-0 ay ku hogaaminaysay Ecuador.

1402849583262_lc_galleryImage_Ecuador_s_forward_Enner_V 1402851007173_lc_galleryImage_BRASILIA_BRAZIL_JUNE_15_E

Markii ciyaarta la isku soo noqday ayay xulka Switzerland u suurto gashay inay la yimaadaan goolkii bareejaha ahaa oo uu u dhaliyey Admir Mehmedi daqiiqadii 48 aad ee ciyaarta.

1402852163180_lc_galleryImage_BRASILIA_BRAZIL_JUNE_15_A 1402854854704_lc_galleryImage_BRASILIA_BRAZIL_JUNE_15_Hiyadoo sidaas la isku hor joogo , ciyaartuna u muuqato inay noqonayso tii ugu horeysay ee barbardhac ku dhamaata, intii koobka aduunku socday, ayaa daqiiqadihii lagu daray ciyaarta oo 4 ahaa , kii 3 aad markuu dhacay , ciyaartana la sugayo in siidhiga dhamaadka lagu dhufto,

ayuu Haris Seferovic kubad si fiican ay uga soo shaqeeyeen ku hubsaday shabaqa, kaas oo saddexdii dhibcood ee loo dagaalamayay u xaqiijiyey inay Sawitzerland la huleesho.

1402854898524_lc_galleryImage_Switzerland_s_forward_Har

Ciyaartan oo ahayd tii koowaad ee Group E ayaa, xulalka kale ee kula jira Switzerland iyo Ecuador oo kala ah , France iyo Honduras ay mardhow fooda is dari doonaan.

Xigasho Cadalool.com.