Ujeeddada Socdaal si qarsoodiya Madaxweynaha Jabuuti ugu tegay Faransiiska oo la ogaaday

Jabuuti(Aftahannews):- Su’aalo kala duwan ayaa la iska-weydiiyey ujeeddada Safar qarsoodi ahaa oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku tegay waddanka Faransiiska, kaasoo ay markii uu soo baxay warkiisu dadka reer Jabuuti ku dawakheen ujeeddadiisa, ayaa jawaab loo helay waxa uu salka ku hayay.

MADAXWEYNAHA JABUUTI

Safarkaas uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ku tegay dalka Faransiiska oo is-weydiin kala duwan qeybaha bulshada dalkaasi ka bixiyeen, ayaa la ogaaday waxuu ku saabsanaa.

Sida lagu daabacay Wargeyska Indian Ocean Newsletter toddobaadkan, waxa lagu sheegay in Madaxweyne Geelle lagaga sameeyey qalliin kooban jilibka lugta bidix, kuna soo laabtay dalkiisa toddobaad ka dib  intuu bogsanayo.

Xogaha Wargeyskaasi baahiyey oo uu soo xigtay Wargeyska Himilo ee ka soo baxa magaalada Hargeysa Caddadkiisii Axadda maanta soo baxay, ayaa lagu sheegay lagu sheegay in qorshaha Safarka Madaxweyne Geelle ahaa sidii loogu samayn lahaa qalliin buuxa oo lagu beddelo kuraanta Ruugga, balse aakhirkii uu ka baaqsaday, cawaaqibka qalliinka awgeed.

Xukuumadda Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Madaxweyne Geelle toona weli kamay hadal arrintaas, mana jiro illaa hadda war rasmi ah oo ay ka soo saareen Safarka su’aalaha badan ka dhex-dheliyey qaybaha kala duwan ee Bulshada reer Jabuuti.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.