Siilaanyo: “Ciidanka Qaranku waxay ilaalin doonaan xuduudaha dalkiisu la wadaago Soomaaliya”

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay tallaabada ay Ciidammada Qaranku ugu ruqaansadeen deegaannada Xadka ay wadaagaan Somaliland iyo Soomaaliya, isaga oo Madaxweynuhu meesha ka saaray in wax xuduud ahi ka dhexeeyo Maamul-goboleedka Puntland, maaddaama oo uu yahay Ismaamul-gobol oo waddankaas ka tirsan.

rrr

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu sidaa ku sheegay qoraal kooban oo uu ku baahiyey bartiisa Twitter shalay, kaasoo uu sheegay in Ciidanka Qaranka Somaliland ay ilaalin doonaan Xuduudka cayiman ee ay wadaagaan Somaliland iyo Soomaaliya.

Qoraalka Madaxweyne Siilanyo ayaa u dhignaa, “Jamhuuriyadda Somaliland waxay leedahay xuduudo cayiman. Ciidanka qarankuna waxay ilaalin doonaan xuduudaha dalkiisu la wadaago dalka Soomaaliya.”

Qoraalka Madaxweyne Siilanyo ayaa meesha ka saaraya in xuduud Somaliland la wadaagto maamul goboleedka Puntland, isla markaana jawaab u noqonaya war shalay safiirada Maraykanka, Ingiriiska iyo wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya ku sheegeen in Somaliland iyo Puntland wada xaajood ku dhameeyaan khilaafka u dhexeeya.

Khamiistii ayay Ciidanka Qaranka Somaliland si buuxda ula wareegeen gacan-ku-haynta magaalada Taleex, halkaas oo ay ku shirsanaayeen Siyaasiyiinta Kooxda labaxday Khaatumo, isla markaana waxay Jimcihii ku dagaallameen Ciidanka Somaliland iyo Malleeshiyaad ka tirsan Puntland iyo kooxda la baxday Khaatumo deegaannada Saax-dheer iyo Kurcad oo ka tirsan gobolka Sool.

Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka, ayaa dhaqdhaqaaqyadaa Ciidan Sabtidii shalay ka soo saaray Baaq wada-jir ah oo ay ku soo jeediyeen inay Somaliland iyo Kooxaha ka soo horjeeda ee Khaatumo iyo Puntland xaaladda dejiyaan, isla markaana ay dib u kala qaadaan Ciidammada dagaalladu dhex-mareen, kuna dhammaystaan muranka dhul ee ka dhexeeya wadahadal, iyaga oo eegaya danta shacabka, dhinac walibana ka shaqeeyo dhisidda adeegyada bulshada iyo horumarinta Shacabkaas iyagoon siyaasad u eegin.

Tan iyo markii ay Khamiistii Ciidanka Qaranku gaadheen Taleex waa markii ugu horreysay ee Madaxweynaha Somaliland qoraalkaa kooban kaga hadlo xaaladda Xuduudaha Somaliland ee dhinaca Bariga ee ay Soomaaliya la wadaagto.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.