“Waxaan Liyuu Booliska farayaa inay Al-Shabaab kula dagaallamaan meelkasta..” Madaxweynaha Killalka 5-aad ee Itoobiya

Jig-Jiga(Aftahannews):- Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa markii ugu horreysay shaaciyey inay dagaal toosa la geli doonaan Xarakada Al-Shabaab ee ka dagaallanta Koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya.

MADAXWEYNAHA KILLALKA SHANAAD

Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida Killalka shanaad ee dalka Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar waxa uu sidaa ku sheegay hadal uu ka jeediyey Shir lagu qabtay magaalada Jigjiga oo lagaga hadlay arrimaha Al-Shabaab iyo sidii looga hortegi lahaa dhibaato kasta oo kaga iman karta deegaankaas, Shirkaas oo Culimada deegaannada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya isugu yimaaddeen.

 Cabdi Maxamuud Cumar waxa uu Shacabka iyo Culimada deegaanka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ugu baaqay inay u diyaar-garoobaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo ay si toosa u bilaabi doonaan Ciidammada dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya, iyada oo ay Ciidammada Federaalka Itoobiya hore u joogeen gudaha dalka Soomaaliya oo ay kula dagaallamaan Malleeshiyada Al-Shabaab.

Maxamed Cumar Madaxweynaha Dowlad deegaanka, ayaa sheegay qofkii dila Askari Shabaab ka tirsan inuu galayo Janada, taasina ay tahay mid aan shaki ku jirin, maadaama Al-Shabaab ay yihiin cadow doonaya laynta ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dowlad-deegaanka Soomaalida ee Itoobiya ayaa Al-Shabaab ugu yeedhay magaca (Al-Qushaash) isaga oo caddeeyay in Maamulkiisu uu diyaar u yahay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab meel waliba oo ay joogaan, waxaana uu Ciidammada Maamulkiisa ku amray inay laayaan meel kasta oo ay ku arkaan Al-Shabaab. “Ciidanka dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya waxaan farayaa inay meelkasta kula dagaallamaan cidkasta oo Al-Shabaab ah, maaddaama oo ay ummadda cadaw ku yihiin.” Sidaa ayuu yidhi Cabdi Maxamuud Cumar.

Culimadii Madasha ka hadashay ayaa go’aamiyay in dhiigga Al-Shabaab uu yahay mid xalaal ah oo loo baahan yahay in shacabka oo dhan ay ka wada qeybqaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Al-Shabaab iyo Ciidammada loo yaqaan Liyu Booliska ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa kuwada dagaalamay deegaanka Caato oo ka tirsan Gobalka Bakool kuna dhaw xuduuda Soomaaliya iyo Itoobiya, halkaasi oo dagaal culus uu ku dhexmaray labada dhinac kaasi oo dhowr maalin dhacay.

Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee magaalada Jig-jiga ayaa dagaal culus kula jira Ururka ONLF oo ay u bixiyeen ama u yaqaannaan (UBO), haddana dagaalkaasi waxaa ku biiray Al-Shabaab oo Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya ka dagaallanta oo ay iyagana u bixyeen sida Madaxweynuhu ku dhawaaqay (Al-Qushaash).

Ciidammada dawladda Federaalka ah ee Itoobiya, ayaa hore dagaal adag ugula jiray Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Koonfurta iyo Badhtamaha Soomaaliya, kuwaasoo sannadkii hore si rasmi ah uga mid noqday hawlgalka Ciidammada nabad-ilaalinta Soomaaliya u jooga ee ka socda Midawga Afrika (AMISOM).

Waxay Ciidammada Federaalka Itoobiya dagaallo kula galeen Al-Shabaab gobollada Koonfur-galbeed Soomaaliya ee Bay iyo Bakool iyo gobollada Hiiraan iyo Galguduud ee badhtamaha Soomaaliya, balse waa markii ugu horreysay dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya ay dagaalkan oo kale shaaciyaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Berbera/Somaliland.