“Annagu hab aan u kala sarno Al-shabaab iyo Soomaaliland ma naqaanno waayo?” Maamulka Puntland

MADAXWEYNE KU-XIGEENKA PUNTLAND CABDIXAKIIN XAAJI CUMAR CAMAY

Garoowe(Aftahannews):- Madaxweyne Ku-xigeenka Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, ayaa si xaqiiqada ka fog uga jawaabay Baaq ay shalay wada-jir u soo saareen Midawga Yurub, Maraykanka iyo Ingiriiska Wakiillada u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya, isla markaana waxa uu sheegay inaanay garan karin si ay u kala saaraan Somaliland iyo Malleeshiyada Al-Shabaabta Galgala sida uu hadalka u dhigay.

CAMAY

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar (Camay) oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Garoowe ee xarunta Maamul-goboleedka Puntland, ayaa sheegay inuu xaqiiqada ka fogyahay oo aan la aqbali karin Baaqa ay Wakiilladaasi wada jirka u soo saareen ee ay ku soo jeediyeen in la dejiyo xaaladda kacsan iyo colaadda ka taagan deegaannada gobolka Sool ee Somaliland, gaar ahaan Taleex iyo Saax-dheer oo dagaallo ku dhex-mareen Ciidanka Qaranka Somaliland iyo Malleesshiyooyinka Puntland iyo Khaatumo.

“Waxaan maanta shirkaan jaraa’id u qabtey annigoo raba inan tixraaco war-saxaafaded ka soo baxay Midowga Yurub iyo Marekanka oo sheegey inuu jiro dhul lugu murunsanyahay oo ay Puntland leedahay, balse waxaan idin sheegaya inuu baal-marsanyahay qoraalka ka soo baxay xaqiiqada, waxaanan odhan karaa inaanay dhulka iyo dadka aqoon u lahayn, waxaana caddeynayaa dhulka inuu yahay dhul Puntland ah dadkuna yihiin Puntland.” sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Puntland oo iska indha-tiraya xaqiiqada rasmiga ah, isla markaana si indho-la’aan ah uga jawaabay Baaqa ay Masuuliyiintaasi kula hadleen dawladda Somaliland iyo Malleeshiyooyinka Puntland iyo Khaatumo waxa loogu yeedho taabacsan.

“Annagu hab aan u kala sarno Al-shabaab iyo Soomaaliland ma naqaanno waayo? Markasta oo ay soo duulaan waxa ay Buuraha Gal-gala soo geliyaan Rag ka tirsan Al-shabaab, waana xaqiiqo, beesha caalamkana waxaan u sheegeynaa wararkii aad idinku heyseen baan annaguna heynaa oo ahaa in xeryo Burco ku yaalla,waxaana cadeyn ku filan inaysan jirin qof Al-shabaab ka tirsan oo Somaliland lugu maxkamadeyey.” Sidaa ayuu yidhi mar kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camay oo Shirkiisa Jaraa’id guud ahaan u muuqdo mid xaqiiqada ka fog.

Madaxweyne ku-xigeenku waxaa kalo uu sheegay inay Puntland gacanta ku heyso 8 nin oo Al-shabaab ah kuwaaso ka soo duuley Muqdisho oo Hargeysa ka soo degey,waxaana uu inta ku darey inay cadeymo badan faraha ku hayaan,isagoona caalamka ugu baaqey in indho dheer loo yeesho Soomaaliland. Waxaanu sheegay inay tallaabooyin deg-deg ah qaadayaan oo uu sheegay inay kula dagaallamayaan Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan xuduudaha dalkooda oo deegaannada ka maqanna ballan-qaaday inay gaadhi doonaan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.