Guddoomiyaha KULMIYE oo Dahabshiil ka raalli-geliyey hadallo Taageerayaashiisu ku dureen

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay inuu raalli-gelin ka bixinayo hadallo uu gef iyo waxaan qaban ku sheegay oo Odayaal Beeshiisa ka tirsani ku dureen Shirkadda Xawaaladaha Lacag-dirista ee Dahabshiil.

MUUSE BIIXI CABDI

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu sidaa ku sheegay War-Saxaafadeed uu u saxeexan yahay Muuse Biixi Cabdi oo qoraal ah, kaasoo uu maanta Warbaahinta u kala diray, waxaanu War-Saxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Aftahannews, waxa uu u dhignaa sidan:-

“REF: XK/XGX/0042012/2014 ……………….Date: 15/06/2014—-Ujeeddo; RAALLI-GALIN:

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi wuxuu ka raalli-gelinayaa Shirkadda Dahab-shiil hadal gef ah oo ka soo yeedhay xubin ka tirsan xubnaha qurba-jooga Xisbiga KULMIYE.

Dahabshiil wuxuu ka mid yahay shirkadaha safka hore kaga jira u adeegista bulshada, u samafalka shacabka iyo gurmadka hawlaha Qaranka. Sidaa daraadeed, Dahabshiil iyo Shirkadaha kalaba ma geyaan in lagu yidhaa; ‘waxaan qabanin’.

Sida Dastuurkeennu qorayo waxaynu leenahay ganacsi xor ah, oo dalka oo dhan u adeega. Mar kale waxaannu kaa raalli-gelinaynaa guud ahaan ganacsatada wixii duulduul ka soo gaadha hadallada siyaasadda.  ALLAAH                 MAHAD             LEH.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.