Cuqaasha Taleex oo Geel Sooryo ah ku wareejiyey Ciidanka Qaranka Somaliland

Taleex(Aftahannews):- Odayaasha dhaqanka ee reer Taleex, ayaa Ciidammada Qaranka Somaliland ee degmadaas gacan-ku-haynteeda la wareegay Khamiistii inna dhaaftay waxay guddoonsiiyeen Geel Sooryo ah oo ay sheegeen inuu hor-dhac u yahay qaabbilaadda iyo soodhawaynta ay Mudan yihiin Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

nugal1284393231

Taliyaha Qaybta 31aad ee Ciidanka Qaranka Gaashaanle Dhexe Maxamed Cawaale Doolaal oo ay weheliyaan Saraakiil Ciidanka Qaranka ah, ayaa maanta xubno kamid ah madax-dhaqameedka degmada Taleex ka guddoomiya laba Neef oo Geel ah oo ay sooryo ahaan ugu talo-galeen ciidamada Qaranka ee ku sugan duleedka magaalada Taleex.

Caaqil Cabdirashiid Cali Shire (Shiine) oo ka mid ah madax-dhaqameedka degmada Taleex, ayaa ka hadlay baahida ay shacab ahaan u qabaan ammaan iyo xasilooni ay helaan, isaga oo taliyahana ku wareejigeyey xoolaha ay sooryo ahaan ugu deeqeen Ciidanka. 

Halkan hoose ka daawo kala guddoomashada Geelaas iyo hadalladii laga jeediyey.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.