Hambalyo Meher Farxad leh: Wasiirka Hawlaha guud iyo Marwadiisa cusub

Shirguddoonka Golayaasha Baarlamaanka Somaliland ee Guurtida iyo Wakiillada, Wasiirrada Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir Ku-xigeenka Wasaaraddaad Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, Wasiirka Caddaaladda Xuseen Axmed Caydiid, Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Maxamuud Xaashi Cabdi, Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, Sheekh Aadan Xaaji Maxmauud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro), Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madoow, guud ahaan Masuuliyiinta kala duwan ee laamaha dawladda Somaliland, Madaxda Dhaqanka iyo Culimaduba waxay Hambalyo iyo bogaadin aan la soo koobi karin hawada u marinayaan.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed

                                                                       Iyo

Marwadiisa Khadra Ismaaciil Ibraahin

Oo Meherkoodu 14-kii bishan June 2014 oo Sabtidii maanta ku beegnayd ka qabsoomay Huteel Maansoor ee Magaalada Hargeysa, waxaanay leeyihiin noqda kuwii Aqal-galkooda ku gaadha Bash-bash, Barwaaqo, farxad iyo raynrayn, Ubad khayr-qaba ILLAAHAY kala siiyo ee isku raaga, Wiil iyo Caano, Nabad iyo Caano. Aammiin…….Aammiin…………Aammiin…Allaah ha aqbalo.